Sunday, July 12, 2015

Shabaab oo Xidhiidhka u jaraysa Al-Qaacida, kuna biiraysa Kooxda DAACISH.

Muqdisho 12 July, 2015 (Himilo)- Ururka Shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya, ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ku joojin doonaan midnimadii hore uga dhexeysay ururka AlQaacida, kuna bedelan doonaan midnimo dhexmarta ururka Daacish.
Sida lagu baahiyey wargeyska Dailymail ee dalka Ingiriiska ka soo baxa
Ayaa lagu sheegay in warar laga helayo xubno ka tirsan Shabaab iyo ciidanka sirdoonka Soomaaliya iftiiminayaan inay dhowaan midnimo la yeelan doonaan ururuka Daacish.
Go’aankan oo ku soo beegmaya xilli bilahii u dambeeyey xubno shabaab ah iyo ajaanibka ka barbar dagaalama lagu dilay weeraro dhinaca diyaaradaha is-wada iyo weeraro kale ayaa la sheegayaa inay keenayso dhulal badan oo laga qabsaday iyo gabaabsi ku yimi dhinacii dhaqaalaha ay hore dibedaha uga heli jireen.
Kulan qarsoodi ah oo hogaanka u sareeya shabaab maalmahii u dambeeyey ku lahaayeen gobolka Jubada dhexe ayaa xubin ka tirsani u xaqiijisay jiritaanka wararkaa, wargeyska Dailymail.
'Waa qorshe weli socda si go’aan kama dambays ah looga gaadho usbuucyada soo socda ama bilaha, xilligan hogaanku mowqif midaysan ayey ka leeyahiin.
Xubintan ka tirsan ururka Shabaab ayaa sida lagu daabacay Dailymail ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo sababta ay xidhiidhkii hore ugu dhexeeyey ururka AlQaacida ku joojinayaan,
'Ma doonayo inaan ka hadlo sababta Shabaab u doonayso joojinta midnimadii hore uga dhexeysay ururka AlQaacida iyo hogaamiyahooda Ayman al-Zawihiri.'
'Waxaan wadaagnaa arrimo badan ururka Daacish, waxaanan diyaar u nahay inaan ka taageerno walaalaha rag iyo dumar ee islaamka ah inaan hogaan keliya wada yeelano iyo hadaf keliya.”
Hogaamiyaha shabaab Abu Cubayda iyo ninka lagu magacaabo Mahad Karatee ayaa la sheegay inay isku raaceen midnimo lala yeesho ururka Daacish, uguna baaqay xubnaha shabaab in la joojiyo xidhiidhkoodii AlQaacida sida lagu sheegay wargeyska Garoowe Online.
Sarkaal Sirdoonka Soomaaliya ka tirsan Maxamed Xasan ayaa tilmaamay in weeraradii dhowaanahan shabaab qaadayeen tilmaamayaan ismuujin awoodeed ay kula midoobayaan Daacish.


Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment