Friday, July 10, 2015

War deg dega:Weeraro Ka Dhacay Muqdisho Iyo Xadiga Khasaaraha ka dhashay.

Muqdisho 10 July 2015 (Himilo)-Ugu yaraan shan qof oo rayid ah, ayaa ku dhimatay hoteelka Weheliye, iyadoo 3 ka mid ah ragii hubaysnaa ee wararka soo qaadayna la sheegay in sidoo kale ay ciidamada amniga Somaliya toogteen.

Ciidamada somaliya ayaa sheegay in ay soo afjareen dirirka ka socda hotelka.

Balse waxaa wali rasaas goos goos ah laga maqlayaa huteelka Siyaad oo aan ka fogayn madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegay in wali koox hubaysan ka dhex dagaalamayaan huteelka Siyaad.

Waxaa dagaalku ku bilowday baabuur lagu qarxiyay albaabka hore ee labada huteel kadibna ay rag hubaysan xoog ku galeen, iyagoo rasaas ridaya.

Xarakada al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarka ku qaadday labada hutel oo ku yaalla bartamaha magaalada Muqdisho.

Wararka qaar, waxay sheegayaan in ay huteeladaas deganaayeen siyaasiyiin kala duwan.

Toban daqiiqo ka hor weerarka huteelada, ayaa tiro hoobiyayaal ah lagu weeraray garoonka Istaadiyaha Muqdisho, oo ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment