Nairobi 10 July 2015 (Himilo)-Xaruntii ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la filayaa in la dib loo furo dabayaaqada Todobaadka dambe, waxaa laga joogaa laba sanno kaddib markii suuqaasi ay galeen kooxda Al-shabaab dad badana ay ku laayeen.
Xarakada Alshabaab ayaa ku dishay 67-qof kadib markii afar nin oo xarakada ka tirsan ay qabsadeen suuqa WestGate bishii September 2013.
Ganacsiga ka socda hareeraha suuqa ayaa dib loo bilaabay iyadoo la filayo in suuqaas dib loo furo dabayaaqada todobaadkan,Kadib markii suuqaasi lagu laayay dad badan mudo hada laga joogo laba sano.Alshabaab ayaa xarunta suuqa haysatay mudo afar maalmood ah oo ay gudaha dhismaha ku jireen.
Ciidamada gaarka u tababaran ee Kenya ayaa ku guulaystay inay weerarkaasi soo afjareen iyagoo dhismahaasi u adeegsanaya waxyaabaha qarxa,Labadaas sano ee Suuqu xidhnaa ilaa imika looma hayo cid gaysatay falka lagu baabiiyay suuqa.
Ganacsatada suuqa iska leh ayaa si aada uga taxadaraya amaanka suuqa iyadoo dib u dhis aad u balaadhana ku sameeyay xarunta Suuqa.Shacabka reer Kenya ayaa iyagu ku kala qaybsan in dib loo furo suuqa iyagoo dadka qaarna leh halagu xuso dadkii goobta ku dhintay.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment