“Jamaal Cali Xuseen, waxaan leeyahay isagaan garanayn Wikileaks wixii ay baahisay waxa uu ahaa. Annagu Wikileaks maannaan odhanba been bay sheegtay, waxay qortay waa run oo waxay ka qortay Warbixin…”
“Dadka Siyaasadda Axadhaa hadday adda eegaan, waxay soo saari lahaayeen Siyaasiyan qofka uu yahay Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro. Qofka garan kari waayey Warqadda yar….Dee haddaanu badheedhaynin waa Doqonniimo Siyaasadeed..” Xoghayaha guud ee Xisbil-xaakimka KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf
Hargeysa, 14 July, 2015-(Himilo)- Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa markii ugu horreysay qiray jiritaanka Warqad Sir ah oo ay Shabakadda faafinta Siraha caanka ku ah ee Wikileaks ka jabsatay Wasaaradda arrimaha dibedda Sucuudiga, taasoo lagu sheegay inay heshiis dhigayo in Somaliland ka mid noqoto dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay labada Maamul wada galeen, taasoo ay Mucaaradka Somaliland-na si weyn uga hadleen.
Warqaddan Sirta ah ee Wikileaks baahiyey, ayaa khilaaf ka dhex-abuurtay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Warbaahinta isku weydaarsaday eedaymo iyo jawaabo saxeexa Warqaddaas iyo jiritaankeeda la xidhiidha, taasoo ay hore uga jawaabeen Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, isla markaana ay si weyn u beeniyeen jiritaankeeda.
Hase-yeeshee, Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo shalay Saxaafadda kula hadlay xarunta dhexe ee Xisbigaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay waxa ay noqonayso fasiraadda Warqadda Wikileaks baahiyey turjumaaddeedu, waxaanu ku dooday inaanay ahayn wax laga qayliyo.
“Warqaddaas ay Wikileaks fidisay haddaynu turjumaadeeda intii inaga khusaynaysay aynu ka eegno, waxa weeye waxay yidhaahdeen; ‘Dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, Jamhuuriyadda Somaliland, Maamul-goboleedka Puntland iyo dhawr Urur oo Malleeshiyaadka Soomaaliya raacsan ka mid ahi waxay saxeexeen heshiis nuxurkiisu yahay Baarlamaan cusub oo laba Gole ka kooban iyo Dastuur cusub oo oggolaanaya Nidaam Federal ah oo loo sameeyo Soomaaliya, taariikhdu markay ahayd 26-02-1432 Hijiriyada oo Waafaqsan 18-02-2012.’ Waaba intaas Warqadda Mucaaradka oo dhami la qaylinayey.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Xisbil-xaakimka KULMIYE.
Xasan Siciid Yuusuf oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi; “Haddaba, is weydiintu waxay tahay Warqaddu intaas ha noqotee, maxay intani tilmaamaysaa? Xaggay ka soo baxday? May tilmaamin Wikileaks iyo Warqaddani toona meesha shirka lagu qabtay iyo heshiiska la galay midnaba. Laakiin, waxay tidhi intaas baa la qabtay.”
“Waxa caddaan ah markii dib loo baadhay arrintaasi inay ku beegnaanaysay shirkii u horreeyay ee loo qabtay Soomaaliya iyo Somaliland ee Ingiriiska oo ku beegnayd 23-02-2012. Shirkaasi markii uu soo baxay ee Ingiriisku yidhi; ‘Waxaannu London shir ugu qabanaynaa kooxihii Soomaaliya, Somaliland way qaaddacday oo waxay tidhi shirkaas kama qayb-galayno.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee KULMIYE Xasan Siciid.
Waxa uu Xasan Siciid Yuusuf sheegaya inaanay fahmin sababta Sucuudigu sidaas u yidhi iyo waxa uu uga jeedo toona, waxaanu yidhi; “Wikileaks waxay baahisay waa intaas aan idiin sheegay, waxay ka baahisayna waa Safaarad Sucuudiga ah oo war u diraysay Wasaaraddeeda arrimaha dibedda, iyada Wasaaraddaasi waxay doonto ha uga jeeddo ama ha is moodsiiso in Somaliland ka qayb-gashay shirka kooxahaas Soomaaliya ama aanay aqoonba in Somaliland jirta-ba, iyadu siday doonto ha u fikirto.”
Xoghayaha Xisbiga KULMIYE Xasan SIciid, waxa uu duray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu sheegay inuu yahay nin garan kara Qoraallada iyo Heshiisyada ay dawladuhu galaan xikmad ahaan iyo farshaxan-ahaan qaabka ay u qormaan, isla markaana aanu ahayn nin garan kari waaya nuxurka qoraalka Wikileaks baahiyey xaqiiqo iyo been-abuur midka uu yahay, Siyaasadda Somaliland iyo arrimaha wadahadalkana uu si dhaw ula socday Cirro.
Xasan Siciid oo ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Dadka Siyaasadda Axadhaa hadday hadda eegaan, waxay soo saari lahaayeen Siyaasiyan qofka uu yahay Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro. Qofka garan kari waayey Warqadda yar ee intaa le’eg ee ay Safaarad Sucuudiga ahi Wasaaraddeeda arrimaha dibedda u qortay ee ay leedahay Soomaaliya ayaa ku heshiisay in Somaliland ku jirto waxaas, dee haddaanu badheedhaynin waa Doqonniimo Siyaasadeed buu la garan-waayey baan odhan karaa.”
Sidoo kale, Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE, waxa uu ka jawaabay eedayn uu Musharraxa Madaxweynaha UCID Jamaal Cali Xuseen u jeediyey Masuuliyiinta Xukuumadda iyo Xisbiga KUKLMIYE, waxaanu yidhi; “’Jamaal Cali Xuseen waxa uu yidhi; ‘Somaliland waa dawladdii u horreysay ee dafirta war ay sii daysay Wikileaks, isla markaana Siyaasiyiinta Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE waxaanay garanayn Wikileaks waxay tahay, waxay u haystaan Shabakad yar oo wixii la doono lagu qoro, warkeedaasina waa xaqiiq’. Jamaal Cali Xuseen, waxaan leeyahay isagaan garanayn Wikileaks wixii ay baahisay waxa uu ahaa. Annagu Wikileaks maannaan odhanba been bay sheegtay, waxay qortay waa run oo waxay ka qortay Warbixin ay meel ka soo xigatay, waxay siiddaysay toddobaatan kun oo Dhukumenti oo Sucuudigu leeyahay oo innaga (Somaliland) ay innagaga jirtay halkaa Baarigiraaf ee Beenta ah oo ay dawladda Sucuudiga ka soo waxaysay.”
“Annagu maannaan garan waayin Wikileaks manaannana dafirine, adigaa garan waayey Wikileaks waxay qortay iyo halkay ka yimaaddeen.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee KULMIYE Xasan Siciid, waxaanu ku tilmaamay Jamaal Cali Xuseen nin aqoonyahan ah oo dhisan oo ku fiicnaa shaqadiisa, shaqsiyaddiisuna fiican tahay, isla markaana gaadhay meel aanay Soomaalidu gaadhin, Jaamacadaha dunida ugu fiicanna wax ka bartay, balse aanu Siyaasadda ugu fiicnayn sidii uu ugu fiicnaa Cilmiga dhaqaalaha ee uu bartay sida uu Xasan Siciid hadalka u dhigay.
Warqaddan oo toddobaadyadii la soo dhaafay laga dhex helay Dhukumentiyo badan oo Shabakadda Wikileaks ka jabsatay Wasaaradda arrimaha dibedda ee dawladda Sucuudiga, ayaa Masuuliyiinta Is-bahaysiga Mucaaradka Somaliland ee Xisbiyada WADDANI, UCID iyo Madasha Wada-tashigu si adag uga hadleen, isla markaana ku tilmaameen inay Warqaddaasi muujinayso Sir culus oo Qaran-dumisnimo iyo Khiyaamo lagula kacay Qaranka Somaliland ah oo ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dalka iyo dadka ka gashay.
Hase-yeeshee, Masuuliyiinta Xukuumadda talada haysa iyo Xisbigeeda KULMIYE, ayaa ku dooday inaanay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisu Qaran-dumis iyo Khiyaamo Qaran midna ku kicin, taasoo ay Bulshada reer Somaliland-na aad wax isaga weydiiyeen oo ay ku jaho-wareereen xaqiiqada Warqaddaas iyo ujeeddada Xukuumadda Somaliland heshiis noocaas ah u gashay.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment