Wednesday, October 1, 2014

Askarigii Shalay Toogtay Taliyihii Saldhigga Arabsiyo Oo Saaka Maxkamad La hor geeyey

Hargeysa:Oct,01,2014(Himilo)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland, ayaa waxa Saaka La Horgeeyey Eedaysanaha Dilkii shalay loo Geystay Taliyihii Saldhigga Arabsiyo oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Hargeysa.

diuAskariga ku Eedaysan Dilka Taliyaha oo Magaciisa lagu sheegay Mawliid Maxamed Suudi, waxana Taliyaha Ciidanka Boolisku saaka saxaafadda u sheegay in maxkamadda la hor geeyey si sharciyadda loo mariyo.

Askarigan oo Taliyaha Boolisku isla shalay ba sheegay in si degdeg ah loo dhameeyay Kiiskiisa ayaa sidoo kale waxa uu Madaxweyne Siilaanyo xalay sheegay in loo Baahan yahay in sharciga la mariyo si meesha looga saaro saraakiil sidan oo kale loo laynayey Maalmahan oo dalka kusoo badanaya.

Alle ha u Naxariistee Cabdi Ismaaciil, taliyihii Booliska Saldhiga Arabsiyo, ayaa maanta Aas Qaran loogu sameeyay Magaalada Hargeysa.Madaxweyne xigeenka, xubno Golaha wasiirada ka mid ah,Xildhibaano iyo Madax kale ayaa ka qayb galay Aaska Marxuumka.

Waxa si weyn loogu dheg taagayaan in xukunka Maxkamaddu si degdeg ah u soo bixi doono, maadaama muddo Labaatan cisho aan ka Badnayn dalka lagu dilay saddex sarkaal oo ciidan ah, kuwaas oo ay sababta dilkooda lahaayeen askartii ay xukumayeen.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment