Waxa Mahad iska leh ILLAAHAY (SWT) Waxaan salamayaa dhamaan Akhrista yaasha, Bahda warabaahinta gaar ahaan Website kan iyo dhamaanba umada Afka Somaliga ku hadasha wxaan
Qalinka u Qaatay inaan Qoraal kooban ka Qoro, Arrin aan ka damqaday oo bulshada Somalida ku soo Kordhaysa Baryahan Dambe oo aad u Fool xun taas oo ah in La ceebeeyo Gabdhaha Somaliyeed Amse Qof Magac Bulshada Ku dhex leh iyoada oo la isticmaalayo SOCIAL MEDIA ama Aalada ITERNETKA .
Sida :
WEBSITE, FACEBOOK, TWITER, SKYBYE iyo kuwa la midka ah oo runtii khatarteeda leh (technology-yadu waa kolba xaga loo adeegsado).
Tusaale ahaan waxa soo badanaysa inay dhalinyarada Soomaaliyeed ay isticmaalaan magacyo Badan oo aanay lahayn si ay ugu Qadhaabtaan Amase ay wax ugu Fuliyaan ,dabcan Kuma darayo Kuwa magac u isticmaala Si sax ah Ama dhan wanaagsan Ogolaanshana hasyta.
Waxaan ka hadlayaa inta dhanka xun u isticmaasha ee Doorbiday inay Shaqsiga ama ha ula tagaan karaamada iyo cisiga qofka binu’aadamka ah oo ah waxa ugu karaamada badan Wuxuu ilaahay abuuray
.Subxanalaah.
Waxa walaalayaal soo badanaysa dadka adeegsada Aaladaha aan kor ku soo xusay ee ceebaynay umadda Soomaaliyeed Gaar ahaan GABADHAHA SOOMAALIYEED. Subxaanalaah .
Tusaale ahaan : 1. Sawir aanay lahayn oo aad Face book Profile ka dhigto waxaad doontana ku samayso
2. Sawiro qaawan oo Gabadh aan somaliba ahayn la yidhaa waa gabadh Soomaaliyeed , oo ah kuwa inoo diirka eeg una dhashay wadamo ajnabi ah Sida BARASIL ,ETHOPIA ,ERETRIA iyo kuwa lamida.
3.fanaaniin la ceebeyo oo la yidhaa waxaas ayuu sameeyay, iyadoo looga dan leeyahay in la’eego Website ka oo kaleya. 4. in la dilo Qof aan dhiman oo la yidhaa hebel oo dhintay oo markasta dhacda .
Qof kasta oo istcimaala arrintaas waxaan siinayaa fariintan, Su’aashu dabataal
1.Miyaad jeceshay in sawir qaawan oo ay leedahay WALAASHAA, HOOYADAA, XAASKAAGU inaad aragto ama la soo galiyo media. ? waa maya
2.miyaad jeceshay in adiga magaacaga la dilo ama laga been abuurto? waa maya
3.ma ogtay xataa hadaad dhimato in uu soconayo sawirkii Qaawanaa ee aad samaysay ood galisay
4.ma ogtay in ilaahay kaala xisaabtami doono maalinta Qiyaamaha ?
5.Ma ogtay dhaqankaaga sharaftaada oo aad dhawrtaa ay tahay diintaadi oo aad dhawrtay? .
6.Ma ogtay in wakhtiaagu yahay mihiim laguna waydiin doono wixii aad galisay khayr iyo sharba?.
7.M a ogtay diinteenu inta ay ka hadashay kuuna baaymisay waxyaabahan.
Fadlan hadaad tahay qof soomaaliyeed oo u damqanaya dadkiisa, diintiisa , dalkiisa ,Bulshadiisa DHaqankiisa, shaqsiyadiisa Sharaftiisa iyo Islaamnimadiisa ka dheeraw inaad galiso media sawirada, Video, ceebaynta dadka soomaaliyeed. Aad ayaad u mahadsantihiin intiina ka dhiidhiday ee ka hadashay khayrna Allah ha idin siiyo .
U adeegso xaga wanaagsan technology. WA BILAAHI TAWFIIQ
Abdirashid Muuse Adan
Rashaad055@hotmail.com 063-4475540
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment