Saturday, October 18, 2014

Daacish Oo Dagaalyahanadeeda Baraysa Sida Diyaaradaha Loogu Dagaallamo

Mosul:Oct,18,2014(s)-Saraakiisha Sarsare ee kooxda Daacish eek a Dagaallanta Syria iyo Ciraaq, ayaa dagaalyahannadooda ku Tababaraysa duulinta Diyaaradaha Dagaalka, maadaama ay Doonayaan inay Mustaqbalka Samaystaan Dawlad islaami ah oo Diyaarado dagaal leh.

isiiKooxdan ayaa ayaa la sheegay in duulimaadyo tijaabo ah ay ku samaynayaan ciidamadooda garoonka diyaaradaha ee ciidamada Milatariga ee Al-Jarrah bariga magaalada Aleppo sida uu sheegay urur dabagal ku haya dagaalada sokeeye ee wadanka Siiriya xaruntiisuna tahay wadanka Ingiriiska.

Ururka IS ayaa saddex diyaaradaha dagaalka ah ku qabsaday dagaalada ay kula jiraan ciidamada dowlada Siiriya,waxaana la sheegay in dagaalyahanada IS ay tababar dhinaca duulista diyaaradaha ka helayaan duuliyaal hore ugaga mid ahaa ciidamada cirka ee dowlada Ciraaq xilligii uu ka talin jirey Saddaam Xuseen.

Warkan ayaa soo baxaya xilli ururka Alqaacida ee jasiirada Carabta uu bilaabay dadaalo uu ku doonayo in lagu mideeyo dhammaan ururada Islaamiga ah si hal meel ay ugaga soo horjeestaan ciidamada reer Galbeedka.

Ururka IS ayaa bilaabay in ay dhoolatus dhinaca hawada ah ku sameeyaan magaalada Aleppo. diyaaradaha dagaalka Garoonkan diyaaradaha ee ay isticmaalayaan diyaaradaha dagaalka IS ayaa horaantii sanadkan uu qabsaday waxana uu garoonkan u jiraa 45 mile oo kaliya xadka dalka Turkiga.

Illaa iyo hadda lama oga in diyaaradahan ay saaran yihiin hub iyo in duuliyaasha ay duulin karaan dhul fog, balse dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in diyaaradaha ay yihiin nooca lagu farsameeyo dalka Ruushka ee MiG 21 ama MiG 23. Tijaabada dhinaca duulinta diyaaradaha dagaalka ee ururkan sameeyay ayaa ku soo beegmay xilli diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo qaar ka mid ah wadamada carbeed ay ku qaadeen duqeymo xagga cirka ah saldhigyo uu ururka IS ku leeyahay dalka Siiriya.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment