Kulanka saaka ayaa waxa Guddoominayey Duqa Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, waxana fadhiyey 19-Mudane kamid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka.Ajandaha Kalfadhigan ayaa sida uu Maayarku sheegay ahaa mid ka kooba afar qodob oo kala ahaaa Magaabista waddooyinka Caasimadda oo Mujaahidiintii dalkan usoo halgamay loogu magac daro, ansaxinta Go’aanada Guddida joogtada ah, Dardergelinta Hawlaha Diiwaangelinta iyo dardargelinta Hawlaha Cashuur ururinta oo intoodii badnayd aanay wali soo xeroonin.
Xildhibaanada ayaa qayb kamid ahi si weyn uga soo horjeesteen Hannaanka Mayarku wax u wado, waxana ay dalbadeen in ajandaha lagu soo daro Sidii wax la iskaga weydiin lahaa Isku beddel lagu sameeyo Guddiyada Golaha oo ay sheegeen inaan sidii Goluhu u yimi wax isku beddel ah lagu samaynin.
Xildhibaano gaadhay ilaa iyo sagaal xildhibaan ayaa fadhiga cadho kaga baxay, waxana ay markii dambe qabteen shir jaraa’id oo ay ku diidan yihiin hannaanka Maayarku u wado siyaasadda Dawladda Hoose ee Hargeysa.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment