Saturday, October 18, 2014

“Ma saadaalin karo waxa Soomaaliya yeeli doonto, balse waxaan rumaysan nahay 100% in shacabka Somaliland yeelan doono shidaalka”

Xukuumadda oo ka hadashay Qaabka kale oo lagu kordhiyo Shidaal-baadhista Somaliland

London 18 Oct, 2014 (Himilo)- Xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka hadashay qorsheyaal hore leh oo shidaal-baadhista Somaliland ka mid noqon doona isla markaana bar-bar socon doona hawl-gallada sahaminta shidaalka Berriga ee shirkadaha shisheeya heshiiska kula jiraan Somaliland.
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa sheegay inaanay xilligan ku degdegi doonin gelitaanka heshiisyo shidaal baadhis laga sameeyo dhinaca badda, balse ay dhiirri-gelinayaan sahaminta shidaalka goobaha Berriga ah.
vlcsnap-2014-10-17-23h43m46s155Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo qayb ka ah wefti Dawladda Somaliland ah oo madaxweyne Siilaanyo u hoggaamiyey magaalada London ee dalka Ingiriiska oo ay ugu sugan yihiin hawlo shaqo, waxa kale oo uu ka hadlay saamaynta dawladda Soomaaliya ku yeelan karto haddii Somaliland ku guulaysato sahaminta shidaalka ee ay heshiiska kula jirto shirdaha shisheeye.
Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo magaalada London ugu warramay telefishanka Arise TV, waxa uu rejo fiican ka muujiyey baaxadda kheyraadka ku duugan Somaliland.
“Inkastoo weli xaddiga shidaal iyo gaas ee ku jira Somaliland aan la xaqiijin, haddana waxaan filaynaa in keydad badan ku jiraan, Sida shirkada Genel ku sheegtay mareegteeda inay ka filayaan laba bilyan oo foosto block-ga ay leedahay,” ayuu yidhi Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo la weydiiyey rejada ay ka qabaan heshiisyada shidaal-baadhista ee ay xukuumaddu la gashay shirkadaha reer Galbeedka.
Wasiir Xuseen cabdi Ducaale ayaa sheegay in xukuumada Somaliland goaan ku gaadhay inaanay wax heshiis shidaal baadhis ku saabsan dhinaca baddaha la gelin shirkadaha, maadama ay hawl badan yihiin, isla markaana ay ka qaalisan tahay marka loo eego sahaminta dhulka.
Mar la weydiiyey hadii shidaal laa helo, tallaabada ay Soomaaliya qaadi doonto iyo cidda maamul ahaan xaq u yeelan doonta Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu ku jawaabay, “Waxaan qabaa inay yeelan doonaan shacabka Somaliland. Somaliland way ka madaxbanaanayd Soomaaliya muddo gaadhaysa 23 sannadood ah. Markaa waxaan qabnaa in bulshada Somaliland dood wanaagsan ka yeelan doonto hadduu shidaal soo baxo. Tusaalena waxa kugu filan shirkadaha sahaminta shidaalka ee Somaliland jooga uma doonan heshiiska Xamar, balse waxay la saxeexdeen xukkumada ka dhisan caasimada Somaliland ee Hargeysa,” ayuu yidhi Eng Xuseen Cabdi Ducaale.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Ma saadaalin karo waxa Soomaaliya yeeli doonto, balse waxaan rumaysan nahay 100% in shacabka Somaliland yeelan doono shidaalka laga soo saaro dalkooda.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment