Wednesday, October 1, 2014

Maayerka Gabiley oo soo saaray go’aan uu Hudheellada kaga mabnuucay Xafladaha Siyaasadda iyo UCID oo Gaashaanka ku dhuftay

Gabiley, 01 October, 2014-(Himilo)- Maayerka magaalada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, ayaa soo saaray Amar uu ku mabnoocayo Xafladaha Siyaasadeed ee lagu qabto Huteellada magaaladaas, isla markaana waxa uu Mulkiilayaasha iyo Masuuliyiinta Hudheellada Gabiley ku amray inaanay Meheradohooda u oggolaan karin in Munaasibadaha Siyaasadeed ay ku qabsadaan Xisbiyada Siyaasaddu, ciddii amarkaa u hoggaansami waydana wuxu ugu hanjabay in Boolisku waajibkooda ka gudan doono.

Qoraallo uu xalay soo saaray Duqa Degmada Gabiley, isla markaana uu ku kala socodsiiyey Hudheellada magaalada, Taliyaha Saldhigga Boolis degmada, Taliyaha Qaybta Booliska gobolka iyo Guddoomiyaha Maamulka gobolka Gabiley, waxa uu ku yidhi; “Ujeeddo: Amar.........: Joojin Shir Siyaasadaysan:-

10008Laga bilaabo maanta (shalay) oo ay taariikhdu tahay (ahayd) 30/09/2014, waxa la joojiyey Xafladaha lagu qabanayo Hudheellada, maaddaama oo aan la gaadhin wakhtigii ololaha, taas oo ay Xaalado badani jiraan awgeed.

Sidaa darteed, waxa la farayaa Mulkiilayaasha Hudheellada Gabiley inaan magaalada laga oggoleyn wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah iyo Xaflado Hudheellada lagu qabto. Taliyaha Saldhigga Booliska Gabiley waxa la farayaa inaad tallaabo ka qaaddo ciddii u hoggaansami wayda amarkaas. Masuuliyiinta kale ee ogeysiiska ku leh-na waa inay sidaa ula socdaan.” Sidaa ayuu Maayerka Gabiley ku yidhi Qoraalkan uu ku saxeexnaa ee uu u kala diray dhinacyada kor ku xusan oo Nuqul ka mid ah uu xalay helay Wargeyska Himilo.

Sidoo kale, Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Gabiley Dhamme Cabdi Aadan Faarax, ayaa waxa uu soo saaray qoraal uu ku socodsiiyey Ibraahin Axmed Xasan (Sangal) oo ka mid ahaa Mudanayaashii hore ee Golaha Deegaanka Gabiley, wakhtiganna ka tirsan Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID u jooga gobolka Gabiley, kaasoo uu qoraalkiisa ku farayo inaanu haba-yaraadaane aanu wax Xaflado siyaasadeed ah ku qaban Gabiley, isagoo Taliyuhu tix-raacaya qoraalka Maayerka Gabiley.

10007“Sidaa daraaddedd maaddaama oo ay degmada ka jiraan xaalado xasaasi ah oo u baahan in la ilaaliyo nabadgelyada dadka iyo degmada. Waxa lagu farayaa inaanad wax shirar siyaasadaysan ah ka qaban degmada.” Sidaa ayuu Taliyaha Saldhigga Booliska magaalada Gabiley Dhamme Cabdi ku yidhi qoraalka uu ku war-geliyey Ibraahin-San-gal.

Hase-yeeshee, Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa go’aankaas Maayerka Gabiley soo saaray Cambaareeyey, isla markaana ku tilmaamay Sharci-jebin ka hor-imanaysa xaqa Dastuurka iyo Xeerarka dalka u yaallaa siiyeen Xisbiyada Siyaasadda, iyagoo xusay in ujeeddada go’aankan laga leeyahay tahay mid la doonayo in lagu joojiyo Munaasibad UCID Arbacada Maanta Gabiley ugu qaban lahaa Taageerayaal cusub oo ku biiraya Xisbigooda, balse aanay joojin doonin qabashada Xafladdaas.

War-Saxaafadeed uu goor-dambe oo xalay ah soo saaray Xoghayaha Saxaafadda u qaabbilsan Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi, ayaa lagaga hadlay arrintaas, waxaanu ku yidhi qoraalka warkaas; “Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelku waxaa soo gaadhay Warqad Sharci-jebin ah oo uu qoray Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, taasoo uu u qoray Ciidanka nabadgelyada, isla markaana uu ku joojiyey Xafladdii ballaadhan oo loo qaban lahaa Taageerayaal cusub oo berri (maanta) ku soo biiri lahaa Xisbiga UCID.”

“Waxaanu Shacbiga Somaliland u sheegaynaa in Dastuurkii iyo Xeerarkii dalkaba ay laabeen Maamulka Gaibley iyo Xukuumadda talada haysaa, isla markaana u soo ban-baxeen awood Ciidan oo ay ku daadiyaan Dhiigga Shacabka. Waxaan u caddeyneynaa in aannaan ka joogsan doonin Xuquuqda iyo waajibaadka Dastuurku na siiyey, Xafladduna dhici doonto, wixii khasaare ah ee ka shana ay tunka ku qaadi doonaan Maayerka Gabiley iyo cidda ka dambaysa ee amarka soo siinaysa.” Sidaa ayuu War-Saxaafadeedkiisa ku yidhi Yuusuf Kayse.

No comments:

Post a Comment