
Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in Allaah ha u naxariistee uu Marxuum Cabdi-Case Afartii galabnimo ee shalay oo toban daqiiqo dhiman ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo lagu dawaynayey dhaawiciisa, isagoo xusay in dhaawiciisu cuslaa.
“Waxaan idiin sheegayaa in uu Taliye Cabdi Ismaaciil Cali oo ahaa Taliyihii Saldhigga Booliska Arabsiyo uu maanta (shalay) afartii galabnimo oo toban dhiman ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, geeridaas oo ka dambaysay markii Gacan-ku-dhiigle Ciidanka Booliska ka tirsanaa uu si xaq-darro ah u toogtay,” sidaa ayuu yidhi Taliyaha Booliska Somaliland oo fiidkii shalay la hadlay Saxaafadda markii uu Marxuumku geeriyooday ka dib.
Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal waxa uu intaas ku ladhay in si degdeg ah Maxkamadda loo horkeeni doono Askariga dilka Taliyihiisii u geystay oo ay Ciidanka Ammaanku gacanta ku hayaan. Waxaanu Tacsi u diray Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Ciidanka Booliska iyo guud ahaanba Qaranka Somaliland ee uu Taliyahaasi ka baxay, Marxuumkana waxa uu Allaah uga baryey inuu Naxariistii Janno ka warraabiyo.
“Abbaaro tobankii iyo badhkii subaxnimo ee maanta (shalay) waxa ka dhacay magaalada Gabiley fal, falkaas oo ah nin Askari ah oo toogtay Taliye Saldhig, isla markiibana Ciidanka Boolisku way qabteen Askarigaas oo gacantaa lagu dhigay, Askarigii xabbadda ku dhuftay Taliyaha si xaq-darro ah buu ugu dhuftay, Sharcigaana si deg-deg ah loo hor-geynayaa, sida ugu adag baana loo horgeynayaa.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo markii Dhaawaca Taliyahaas la keenay Cusbitaalka guud ee Hargeysa ay ku booqdeen isaga iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan-Xaglo-toosiye.
Maamulka gobolka Gabiley, ka degmada iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska ee gobolka Gabiley, ayaa iyaguna dhacdadaas Warbaahinta uga warramay, waxaanay sheegeen in Taliyaha geeriyooday iyo Askariga dilay uu khilaaf u dhexeeyey, isla markaana uu iyagoo jooga Gabiley oo ay ku wadahadleen Taliyuhu bixiyey Amar ahaa inuu Qoriga dhigo, isla markaana si anshax-marin ah loo xidho, balse uu Askarigaas aanu markiiba wareejin qoriga, hase-ahaatee, uu rasaas ku furay illaa shan xabbadood oo qaarkood ay ku dheceen Marxuumka geeriyooday oo ka cabanayey la shaqaynta Askarigaas sida la sheegay.
Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay geerida Sarkaalkaas, waxaanu Allaah uga baryey inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan-na ka siiyo Qoyska, Ehelka, Asxaabta, Qaraabada, Ciidammada iyo guud ahaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu sheegay cidda dhaawac ama dil gaadhsiinaysa Masuuliyiinta Ciidammada inay yihiin cadaw duullaan ku ah Sharafta, Karaamada iyo Haybadda Qarannimada ee ay huwan yihiin Ciidammadu.
Waxa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed xalay ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, kaasoo u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu Tacsi u dirayaa Ciidanka Booliska Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Taliyihii Saldhigga Booliska ee Degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley, Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Cali (Cabdi-Case) oo u geeriyooday togasho uu u geystay Askari ka mida Ciidammadii uu xukumayey ee Saldhigga Arabsiyo, kaasoo gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Ciidamada qalabka sidaa ay u taagan yihiin sharafta iyo haybadda Qaranka, cidkasta oo dhaawac ama dil u geysataana ay ku xad-gudbayso sharaftii Qaranka ee uu huwanaa, waxaanu intaasi ku daray in Askariga dilkaasi geystay sharciga deg-deg loogu fulinyo.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidanka Booliska Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo,” sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka Madaxweynuhu kaga hadlay dilka Marxuumkaas.
Taliyahan geeriyooday ee shalay Askari ka tirsan Ciidanka Saldhigga Arabsiyo ee uu maammulayey, ayaa noqonaya Sarkaalkii saddexaad ee Askari dilo intii lagu jiray Bishii September ee shalay dhammaatay, waxaana Taliyahan ka horreeyey laba Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Millateriga Somaliland oo Askari Dable ah oo ka tirsan Askarta ay xukumayeen toogasho badheedh ah sidan oo kale ugu dilay Tuulada Qorulugud oo ka tirsan gobolka Buuhoodle, kuwaasoo dilkoodu kacdoon ka abuuray gobolka Gabiley oo uu mid ka mid ah labada Sarkaal ka soo jeeday iyo sidoo kale gobolka Awdal oo Sarkaalka labaad ka soo jeeday.
No comments:
Post a Comment