Madaxweyne Siilaanyo oo boggiisa Twitter-ka farriin kooban ku baahiyay ayaa sheegay in Shirkaasi Maalgashiga Somaliland u yahay Muhiim“ Shirka Maalgashiga Somaliland ee London waa Shir aad muhiim ugu ah Somaliland” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.Madaxweyne Siilaanyo waxa uu intaasi raaciyay in Somaliland u furan tahay Ganacsiga iyo Maalgashiga “ Somaliland way u furan tahay Maalgashiga iyo Ganacsiga” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Wefti culus oo wasiiro u badan ayaa Jimcihii u dhoofay dalka Ingiriiska, halkaasi oo ay kaga qayb galayaan shir ku saabsan fursadaha maalgashi ee Somaliland ka banaan.waxaa la rajaynayaa in shirka ay ka qayb galaan Shirkado Ingiriis ah iyo Ganacsato Somaliland ah.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment