Tuesday, October 14, 2014

Shirka Maalgeshiga Somaliland oo Maanta ka furamaya London iyo Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Muhiimadda uu dalka u leeyahay

London, 14 Oct, 2014 (Himilo)- Waxa maanta oo ay taariikhdu tahay 14 Okt si rasmi ah uga fumaya magaalada London shir Caalami ah oo maalgashiga Somaliland lagu dhiirri-gelinayo, kaas oo ay goob-joog ka yihiin madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay weheliyaan wefti ka kooban golihiisa Wasiirrada iyo Ganacsato dalka u dhalatay, iyada oo lagu marti-qaaday shirkado caalami ah iyo dibloomasiyiin ka socda waddamada Somaliland ka taageera dhinacyada dimuqraadiyada iyo horumarinta oo dawladda Ingiriisku ka mid tahay.
2i7r901.jpgShirka maanta ka furamaya magaalada London oo qaban-qaabadiisa ay iska leedahay shirkad lagu magacaabo Developing Market Associates (DMA) oo hore u qabatay shirar noocan oo loo qabto xidhiidhka ganacsi iyo maal-galineed ee dawladda Ingriiisku la wadaagto dalalka Afrika iyo Eeshiya qaarkood, balse noqonaya markii u horeysay ee ay qabato shir maal-gashi oo Somaliland iyo Ingiriisku iska kaashanayaan, waxa dadka lagu marti-qaaay ee ka qayb-galaya ay isugu dhaqaale-yahanno, Ganacsato, wakiillo ka socdo shirkado caalami ah iyo masuuliyiin xilal sar-sare ka haya dawladda Ingiriiska.
silanyo3Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud oo ay weheliyaan Wasiirradiisa Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada oo todobaadkan gaadhay magaalada London, ayaa iftiimiyey muhiimadda shirkani u leeyahay Somaliland oo uu sheegay inay diyaar u tahay sidii ay u kasban lahayd xidhiidh ganacsi oo dhexmara iyo maalgashi caalami ah oo ay ka hesho beesha caalamka.
“Shirka maalgashiga Somaliland ee London waa shir muhiimad weyn u leh Somaliland, iyada oo Somaliland ay soo dhawaynayso xidhiidh ganacsi iyo maalgashi dibadeed,” Sidaas waxa yidhi madaxweyne Siilaanyo oo qoraal kooban oo uu kaga hadlay ku baahiyey bogga uu ku leeyahay twitter-ka.
Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa shirka kala qayb-gali doona Ganacsato u dhalatay Somaliland oo ka-qaybka shirka uga faa’idaysanaya xidhiidho ganacsi oo dhexmara shirkadaha iyo maalgashatada ka qayb-galaysa.
“Waxaanu halkan u nimi inaanu ka qayb-qaadano shirkii abid ugu ballaadhnaa ee Somaliland ku hesho maalin-gelin caalami ah. waxa shirka ka qayb-galaya siddeed shirkadood oo waaweyn iyo maal-qabeenno isaga kala imanaya adduunka oo dhan, kuwaas oo danaynaynaya Somaliland,” sidaas waxa yidhi wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlay muhiimadda uu shirkani u leeyahay Somaliland.
Wasiir Maxamed Biixi oo sii sharraxayay dhinacyada kale ee ay xukuumad ahaan shirkan ka qayb-galkiisa uga faa’idaysan doonaan, waxa uu yidhi, “Waxaanu u sharxi doonaa in waddankayagu yahay meel ku habboon maalgashigooda iyo kobcinta ganacsiga. Waxaanu u soo bandhigaynaa inay Somaliland tahay waddan qani ah oo ku yaala meel istaraataji ah, annaga oo filayna inay badankoodu ka war-qabaan nabadda iyo dimuqraadiyadda Somaliland.”
“Waxa kale oo shirkani muhiimad u leeyahay inay ganacsatada Somaliland fursad u hesho iskaashi iyo xidhiidh u furma maal-gashadayaasha caalamiga ah ee shirka ka qayb-galaya. tani waxa kor u qaadaysaa sumcadayada, sida ay ku habboon tahayna waxay qayb ka tahay dedaallada aqoonsi Caalami ah oo aanu helno,” ayuu yidhi Md Maxamed Biixi Yoonis.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment