Baadhitaankan ayaa la sheegay in lagu sameyn doono dadka ka yimid Afrika iyo waliba kuwa kasoo safray wadamada uu cudurka EBOLA ku faafay, iyadoo talaabadan lagu doonayo in looga hortago in cudurka EBOLA uu soo gaadho wadanka Ingiriiska.Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xili baadhitaan lagu wado nin u dhashay Britain oo ku dhintay dalka Macedonia, ninkaasi oo la tuhunsan yahay inuu u dhintay cudur aan la aqoon balse la baadhayo inuu ku dhacay EBOLA.
Cudurka EBOLA ayaa gaadhay dalka Spain ee koonfurta Qaarada Yurub, kadib markii haweenay kalkaaliso ah uu cudurkan ku dhacay xili ay daaweenaysay qof u dhashay Spain oo laga keenay dalka Liberia oo qaba cudurka Ebola.
Kalkaalisadan ayaa hada la sheegay in xaaladeeda caafimaad ay kasii dartay, waxaana sidoo kale baadhitaan lagu wadaa dadkii ay xidhiidhka lalaheyd si loo baadho in cudurkaasi EBOLA gaadhay.
Shaqaalaha Isbitaalada Spain oo dhawaan hoos loo dhigay dhaqaalihii lasiin jiray ayaa maalmihii lasoo dhaafay sameeyey shaqo joojin iyo mudaharaad ay uga cabanayaan inaysan heysan qalab ku filan oo ay uga hortagaan Ebola.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment