Sunday, October 12, 2014

Tirada Rasmiga ah ee Sanadkan Ka Geeriyootay Xujaydii Gudanaysay Waajibaadka Xajka Oo La shaaciyey

Riyad:Oct,12,2014(Himilo)-Xukuumadda Waddanka Sucuudiga, ayaa soo saartay Tirada Rasmiga ah ee sanadkan ka geeriyootay xujaydii dalkooda u tagtay Gudashda Waajibaadka Xajka.

goliWasaaradda caafimaadka Sacuudiga ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in 133 ruux oo Xujay ahaa ay ku geeriyoodeen magaalooyinka Maka iyo Madiina kadib markii ay la kulmeen dhibaatooyin caafimaad.

Madaxa hay’adda Tawafa ee qaabilsan arrimaha xajka oo la yidhaahdo Faysal Nuux ayaa sheegay in Xujayda geeriyooday ay u kala dhasheen wadamo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Sudan, Ciraaq, Jordan, Algeria, Morocco Yemen iyo Mauritania.

Tirada Soomaalida Xajka ku dhimatay si gaar ah dawlada Sacuudigu uma aanay sheegin, balse waxa la sheegayaa inaanay Badnayn.

Wakaaladda wararka ee Arab News ee Sacuudiga ku taala ayaa iyana ku waramaysa in 213 ruux la dhigay goobaha caafimaadka kadib markii ay xanuunsadeen sida laga soo xigtay wasaaraddaha caafimaadka iyo Xajka ee dalka Saacudiga.

In ka badan 2 million oo ruux oo Muslimiin ah ayaa sanadkan Sacuudiga tagay si ay waajibaadka xajka u gutaan dadka ugu badana waxay ka tageen dalka Masar.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment