Thursday, October 9, 2014

Uhuru Kenyatta oo Noqday Madaxweynihii u horreeyey ee Hor-tega Maxkamadda ICC & qaabka loola dhaqmay

Hague, 09 Oct, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Waddanka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee hor-taga Maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC oo ku taalla magaalada Hague ee dalka Netherland, ka dib markii uu shalay ka xaadiray Maxkamaddaas oo ay Dhegaysiga Dacwaddiisu Arbacadii shalay si rasmi ah uga bilaabantay.
uhuhuhuhMadaxweynaha Kenya oo maalintii Isniinta ee toddobaadkan si ku-meel-gaadh ah u sii wareejiyey xilka Madaxweyne-nimada oo uu ku sii wareejiyey ku-xigeenkiisa, waxa Maxkamadda uu hortegay shalay ula dhaqantay sidii qof shaqsi ah, iyada oo aanay Maxkamaddu siinnin wax ixtiraam Madaxweyne-nimo ah, waxaana laga reebay oo dibedda joogay inta badan boqollaal Taageerayaashiisa ka tirsana oo ka kala tegay dalka Kenya iyo waddamada Yurub si ay uga qaybgalaan dhegaysiga Dacwadda Madaxweynahooda.
Dacwada loo haysto Kenyatta ayaa ah shan dacwadood oo la xidhiidha gacantii uu ku lahaa rabshado dalkaas ka dhacay sannadihii 2007 iyo 2008, xilligaas oo lagu murmay doorashooyinkii madaxweynenimada ee dalkaas ka dhacay.
Bannaanka dhismaha Maxkamadda ICC ee Hague, waxa buuxiyay dadweyne Kenyan ah oo aad u fara badan oo taageeraya Kenyatta, kuwaasoo ku dhawaaqayay erayo ay ka mid ahaayeen; ‘Waxaa la joogaa xilligii ay Shacabka Kenya u midoobi lahaayeen sidii ay u baadhi lahaayeen halka uu dalku marayo iyo halka uu Madaxweynihii dalku joogo.” Kuwaas iyo weedho kale oo la macno ah ayay ku dhawaaqayeen dadkaas oo qaarkood Kenya ka tageen, kuwo kalena isaga kala yimaaddeen waddamada Yurub.
Madaxweynaha Kenya oo la hadlayay Taageerayaashiisa, ayaa u sheegay in Shacabka Kenya ay yihiin kuwa go’aan ka gaadhi kara Jihada uu dalkoodu u soconayo. Kenyatta oo dadweynihii halkaas ku sugnaa u sheegay inuu halkan u tagay inuu dhegeysto dacwooyinka loo haysto, isla markaana uu dalkiisa dib ugu laabanayo kana shaqeyn doono horumarintiisa.
Haweeneyda Dacwad-oogaha ka ah Maxkamadda ICC Fatou Bensounda, ayaa sheegtay in sagaal qof ay ka marag-kaceen inuu xidhiidh la leeyahay koox lagu magacaabo Mungiki, sidoo kalena uu ku lug lahaa rabshadihii ka dhacay magaalada Naivasha ka dib doorashadii dalka Kenya ka dhacday sannadkii 2007-kii illaa 2008-kii markii natiijadeeda lagu dhawaaqay, rabshadahaas oo ay ku dhinteen Kun qof oo reer Kenya ah in kabadan.
“Xaqiiqo kasta oo ku saabsan Dacwadda oo lagu sheego taleefan weli waa mid furan. Haddiise Xukuumadda Kenya ay si dhab ah noola shaqeyn lahayd waa la heli karay wax walba oo Dukumiinti ah.” Sidaa ayay tidhi Bensouda. Sidoo kale, Haweeneydan ayaa ugu baaqday Maxkamadda inay ka hadasho wada-shaqeyn la’aanta dawladda Kenya iyo Maxkamadda, isla markaana hubiyaan inaan la tuurin Dhukumiintiyada la xidhiidha Dacwadahan.
Qareenka u doodaya dhibbanayaasha Fargal Gaynor, ayaa dawladda Kenya ku eedeeyay inay qaateen go’aan ay ku doonayaan inay Dacwadaha Uhuru Kenytta iyo William Ruto ku baabi’iyaan. Isagoo dalbaday in Dacawaddan loo haysto Kenyatta caddaalad dhab ah la mariyo.
“Haddii Dacwaddan la joojiyo, taasi waxay ku qasbaysaa dadkii dhibaatada loo geystay inay bixiyaan dhaqaale walba si ay caddaaladda u hortagaan,” ayuu yidhi Qareen Gaynor oo isweydiiyay su’aal ahayd; “Dadkii uu dhibku gaadhay waxay xaq u leeyihiin in Markhaatiga ay yimaaddaan iyagoo aan wax baqdin ah qabin. Waxaase isweydiin leh waa maxay sababta loo cabsi-gelinayaa?”
Garyaqaan Gaynor ayaa ku dooday in kiiska taleefan oo keliya lagu xalliyo inaanay ka dhigayn mid caddaalad ah, isagoo xusay in Dhukumiintiyada ay Dacwaddan u yihiin halbowle, isagoo sheegay in lambarro la siin karo dad gaar ah si ay u beeniyaan eedeymaha.
Geesta kale, Qareenka Difaacaya Madaxweynaha Kenya, Steven Kay, ayaa isna sheegay inaanay jirin cid lambar la siiyay, taasina ay tahay mid meel ka dhac ah oo aan dhab ahayn. “Innagu waan oggol nahay in Markhaatiyaashu ay yimaaddaan si ay u furaan Markhaatigooda mana jirto cid aan u diidayno,” ayuu hadalkiisa ku daray Qareenka Difaacaya Kenyatta Steven Kay.
Madaxweynaha Waddanka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyay ee dal Madax-bannaan oo dunida ka tirsan Madaxweyne isagoo ka ah hor-taga Maxkamadda dembiyada Caalamiga ah ee ICC ee Magaalada Hague ee dalka Netherland, oo lagu tilmaamo Maxkamad marka hab-dhaqankeeda loo eego si gaar ah u bartilmaameedsata ama u daba-gasha Madaxda waddamada Afrikaanka ah oo keliya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somalilanduhuh

No comments:

Post a Comment