“Kabkaasi wax soconaya markasta maaha ee waa Kabka siddeeddii bileed ee hore oo loogu baahday in lagu daro dhaqaalaha diiwaangelinta...” Xildhibaan Saleebaan Daahir Dogox: Xog-waraysi Gaar ah:
Hargeysa, 16 October, 2014-(Himilo)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warrancadde, ayaa kulan gaar ah Xafiiskiisa xarunta Wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa Hargeysa kula yeeshay Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda, kuwaasoo ay ka wadahadleen arrimo la xidhiidha diiwaangelinta Madaniga ah ee dalka ka bilaabantay.
Kulankaas dhex-maray Wasiirka arrimaha gudaha iyo Xildhibaannada ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa la sheegay inuu Wasiirku Mudanayaasha kaga dalbaday inuu diiwaangelinta Madaniga ah u jaro lacagta Kabka ah ee dawladaha hoose ka hesho dawladda dhexe oo uu siddeeddii bilood ee sannadkan ugu horreeyey-na ka jaray.Inkasta oo aannu isku-daynay inaannu Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde wax ka weydiinno warkan, haddana noomay suuragelin inaannu wax war ah ka helno, ka dib markii aannu la kulannay isaga oo xidhan Taleefankiisa gacanta oo aannu xalay ka wacnay dhawr jeer.
Hase-yeeshee, Xildhibaan Saleebaan Daahir Dogox oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa ee Wasiirka arrimaha guduhu la kulmay Salaasadii toddobaadkan, ayaa Wargeyska Himilo khadka taleefanka xalay wax kaga weydiiyey nuxurka kulankaa la sheegay inay Wasiirka wadayeesheen iyo waxay sida gaarka ah ugaga wadahadleen, waxaanu sheegay inay had iyo jeer kulammo wada yeeshaan Wasiirka arrimaha gudaha.
“Shirkii diiwaangelinta ayuun baannu ka qaybgalnay ee maalin walba lagu qabto Wasaaradda arrimaha gudaha. Markaa, waxaannu ka wadahadalnay uun diiwaangelinta oo aannu ku caddaynay warkaannu baahinnay, saacad walba iyo xilli walbana waa la kulmaa oo Wasaaradda Daakhiligu waa Wasaaradda ay wada-shaqaynta tooska ahi ka dhaxayso dawladaha hoose.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Dogox.
Waxaanu Xildhibaan Saleebaan Daahir Dogox oo jawaabta uu ka bixiyey su’aasha kor lagu weydiiyey sii watay intaas ku daray oo uu yidhi; “Arrintanina Deegaanka ayuun bay khusaysaa, waxaanana laga hadlayay oo aannu ka wadahadalnay sidii ay Xildhibaannadu uga qayb-qaadan lahaayeen dardar-gelinta hawsha diiwaangelinta ee ay u socon lahayd diiwaangelintu.”
Mar uu Xildhibaanku ka jawaabayey in arrimo la xidhiidhka dhaqaalaha kabka ah ee dawladaha hoose sidii loogu jari lahaa diiwaangelinta iyo inta jaritaanka kabkaasi ku soconayo, waxa uu yidhi; “Taasi wax qarsoon maaha, horena Saxaafadda waa looga sheegay in Kabkii dawladaha hoose diiwaangelinta lagu bixiyey, taasina ma qarsoona, dhibaatana malaha oo waa wax jira. Kabkaasi wax soconaya markasta maaha ee waa Kabka siddeeddii bileed ee hore oo loogu baahday in lagu daro dhaqaalaha diiwaangelinta ayuun baa la jaray.”
Xildhibaanka oo la weydiiyey in Shabakadaha wararka qaarkood faafiyeen in Wasiirku mar labaad ka dalbaday inuu Kabka dawladaha hoose u jaro diiwaangelinta marka taa hore ee loo jaray laga yimaaddo iyo waxa ka jira, waxa uu ku jawaabay; “Annaga iyo Wasiirku kamabaannu wadahadal wax kab ah ee waxaannu ka wadahalnay keliya diiwaangelinta, sidii loo dardar-gelin lahaa ee ay u shaqayn lahayd, maaddaama oo ay Xildhibaannadu yihiin Xildhibaannadii ay Shacabku soo doorteen in aannu kala hawlgalno magaalada Hargeysa, saakaba (shalay) waannu ka qayb-qaadannay hawsha oo Waaxyo ayaannu tagnay, markaa wixii awooddayada ah inaannu kaga qayb-qaadanno diiwaangelinta diyaar baannu u nahay.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment