
“Shirkaasi waxa uu ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaanannu marti-qaad rasmi ah ka helnay Midawga Afrika qaybta u qaabbilsan Xannaanada Xoolaha, shirkaasi waxa lagaga hadlayey waxyaabo fara badan oo ku saabsan Xoolaha iyo sidii Xoolaha loo dhiqi lahaa, isla markaana wax-soo-saarkooda, dhiqitaankooda iyo maalgelintooda-ba loo badin lahaa.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland.
Agaasime Jaamac Maxamed Odawaa oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Waxa ka mid ahaa taabbo-gelinta iyo ka shaqaysiinta Bulshada Xoolaha leh, doorka ay leeyihiin iyo jaanisyada ay haystaan oo Abaarahan dhacaya ee Xooluhu innaga jabayaan loo sameeyo Xoolaha meelo Biyo iyo Daaq looga sameeyo oo haddi Abaari dhacdo aanay dadka Xooluhu ka jabin.”
“Labada Seere ee Daryeelka Xoolaha ee Wasaaradda Xannaanada Xooluhu waddo ee Bananka Qool-caday iyo Arooro oo kale, Somaliland ahaan ayaannu Kaalinta koowaad ugaga qayb-qaadannay Shirkan oo Marti-qaad inta aannu helnay oo Miiskaaga ay kuu taallo inaad Somaliland ahaan uga qaybgalayso Shirkaas adigoo la siman dawladaha Jaarkeenna sida Sudan, Koonfurta Afrika iyo kuwo kale.” ayuu yidhi Agaasime Odawaa.
Waxaanu sheegay inuu jaaniskaa laftiisa uga faa’iidaystay gudbinta dawladnimada Somaliland, waxaanu yidhi; “Markaa, taasi waxay noo ahayd Sharaf inaan la simanno marka hore dawladahaas, ugana warramay inaan ka duwannahay Soomaaliya oo Somaliland tahay dal madax-bannaan oo afar dawladood 23 sano isu soo beddeleen hab dimuquraaddi ah oo nabadgelyo ah, calankeeda, ciiddeeda, Dastuurkeeda iyo nidaamkeeda dawladeed oo dhammaystiran leedahay, halkaas oo aan si fiican ugu sharraxay, isla markaana ugu qaybiyey Waraaqo si aynu uga dhaadhicinno dadka iyo dunida Somaliland waxay tahay.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment