
Dawladda Somalia waxay sheegtay in lacagahaasi ay waxyar uun ka soo gaadheen, waxana wax badan la iska weydiin doonaa sababta lacagahaasi weli u maqan yihiin ee loo la’yahay.
Arrimaha sidoo kale diirada lagu saarayo kulankan maanta ka bilowday caasimada Denmark waxa aka mid ah. amaanka,dakhliga dalka garsoorka iyo hiigsashada sanadka 2016 oo ah Halbeegga caalamku ku doonayo inay Somalia ku gaadho is maamulid buuxda.
Shirka waxaa ka qeybgalaya dalalka dhaqaalaha siiya Soomaaliya, hay'ado caalami ah iyo madaxda Dalka Soomaaliya oo kala qaybsan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa hogaaminaya wafdiga dowlada Soomaliya ka socda, waxana uu shirkan ku soo beegmayaa xilli uu khilaaf adag u dhaxeeyo madaxda dowlada federaalka.
Dowladda Mareykanka ayaa hore ugu hanjabtay inaanay ka qeybgaleynin shirkaasi, taas oo ay sabab uga dhigtay marka hore in la xalliyo arrinta khilaafka madaxda.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment