“Waxa jiray oo kaliya saddex Askari baa dhaawacyo ka soo gaadheen, askartaasna dhagxaanbaa lagu dhuftay, laakiin xagga dadweynaha wax khasaare ahi ma jiraan,” – badhasaabka Sanaag – WARAYSI GAAR AH
Burco, 16 Nov, 2014 (Himilo)- Alle ha u naxariistee gabadh dhalinyaro ayaa ku geeriyootay, Lix qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaadhay mudaharaad shalay gelinkii hore ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ka dib markii ciidamada Ammaanku rasaas u adeegsadeen dadweyne gadoodsan oo ka soo horjeeday mooshin mudaneyaasha Muxaafidka ee Golaha Wakiilladu xilka kaga qaadayeen Guddoomiyaha Golahaas.
Sidoo kale, magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag, waxa shalay ka dhacay bannaan-bax rabashado wata oo dadweyne taageersan Guddoomiyaha Wakiilladu ka dhigaan magaaladaas, kuwaas oo taayirro ku gubay jidadka isla markaana dhaawacyo kala duwan gaadhsiiyey qaar ka tirsan Ciidamada Ammaanka oo dhagxaan lagu weeraray, waxaanay ciidamadu xabsiga u taxaabeen 26 qof oo dadkii mudaharaadayey ka mid ah, kuwaas oo lagu xidh-xidhay saldhigga booliska ee magaalada Ceerigaabo.

Ciidamada dadka muddaharaadayaasha ah kala kaxaynayey, ayaa isugu jiray Millateri iyo Boolis iyaga oo Millaterigu soo galay markii ay xaaladdu ka cuslaatay awoodda ciidanka Booliska, waxaana Gurmad ahaan ugu yimi Ciidammada Millateriga ah.
Badhasaabka Togdheer oo aanu waydiinnay sida uu bannaan-buxu ku bilowday iyo inta uu le’eg yahay xaddiga khasaaraha ka dhashay, waxa uu yidhi, “Magaaladu nabad-bay ku soo toostay, dad badan baa isugu yimi Xarunta Dawladda Hoose, dabadeed askartii dawladda Hoose ayaa rasaas ku ridday, rasaastiina waxay keentay inay xaaladdu faraha ka sii baxdo, aakhirkiina meesha dhibaato xoog leh baa ka dhacday. Runtii sida aanay muddadu u dheerayn iyo siday wax u dheceen baa kala fog. Inanbaa dhimatay, lix qofna waa dhaawac Laakiin immika xaaladda magaaladu way deggen tahay, mana jiraan dad la xidh-xidhay.”
Badhasaabka oo la weydiiyey in xaaladda kacsanaanta ee mudaharaadka sababtay ay ka dhalatay ciidamo habeennimadii la dhoobay jidadka waaweyn ee magaalada iyo culays la saaray shacabka, waxa uu ku jawaabay,
“Ciidamo xalay meesha maray ma jirin, laakiin Waaberi ku-dhawaadkii ayaa la noo sheegay meel boodhadh lagu samaynayey, dabadeedna ciidanka boolisku way ku baxeen oo magaaladay dhexmareen, Laakiin ciidanku bilaysku Saaka (Shalay Subax) way feejinaayeen oo way taagnaayeen waddooyinka meelaha is-goysyada ah. Ciidanka Qarankuse markan dambe ee arrintu yar adkaatay ayuu soo galay. Dadkii dhaawacmay qaarna way iska fududaayeen oo guryahooda ayey yaallaan, qaarna cusbitaalka ayaa lagu dawaynayaa.”
Badhasaabka Gobolka Togdheer waxa uu sheegay inay maamul ahaan is-afgarteen Qoyska ay ka dhalatay gabadha ku geeriyootay bannaan-bixii shalay ka dhacay Burco isla markaana ay shalay gelinkii dambe ahaan aasayaan Meydka gabadhaas

“Mudaharaad ay dhalinyaro iyo haween soo abaabuleen baa dhacay, khasaarena weyni kama dhicin, waxa jiray oo kaliya saddex Askari baa dhaawacyo ka soo gaadheen, askartaasna dhagxaanbaa lagu dhuftay, laakiin xagga dadweynaha wax khasaare ahi ma jiraan,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Intii mudaharaadku socday waxa la qab-qabtay kuwii taayirrada gubayey iyo kuwii buuqa abuurayey oo 26 qof oo rag iyo dumarba leh baa immika xidhan. Dadkaasna waxa ku jira gabadh dhagaxaan ku dhuftay laba askari.”
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Aadan oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa wax laga weydiiyey inuu ku lug leeyahay bannaan-baxayaashaas oo xukuumaddu xisbigiisa ku eedayso inuu ka dambeeyey. “Bulshada waxaanu ugu baaqnay si nabad-gelyo ah ay dareenkooda u muujiyaan waana arrin daw ah,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment