Monday, November 17, 2014

Madaafiic Habeenkii Xalay Lagu Weeraray Xarunta Villa Somalia Oo Khalkhal gelisay Shacabka Reer Muqdisho

Muqdisho:Nov,17,2014(Himilo)-Weeraro loo adeegsaday Madaafiicda Goobaha Fogfog laga soo Tuuro ayaa habeenkii xalay lala eegtay Xarunta Villa Somalia, halkaas oo ay ku sugan yihiin Badiba Madaxda Dawladda Federal-ka Somalia.

madeefTirada Madaafiicda Xalay lagu garaacay Xarunta Villa Somalia, ayaa lagu sheegay ilaa iyo 9-xabbo, waxana aan weli la ogayn cidda rasmiga ah ee soo tuurtay iyo Meesha laga soo tuuray midna.

Dadka ku nool Xaafadaha la duqeeyay xalay, ayaa qaarkood waxay sheegeen inay maqlayeen Dhawaq xoogan oo Hoobiyaal ah, kuwaasi oo ku dhacayay Meelo u dhaw Madaxtooyadda Soomaaliya ee ku taalla Muqdisho.

Dhismaha Villa Soomaaliya, lama oga inay ku dhaceen Madaafiicda, hase ahaatee Kooxda Al shabaab ayaa sheegtay inay Weerar ku qaadeen Madaxtooyadda oo ay ku sugan yihiin Madaxda ugu sareysa somalia.

Ma jiraan Khasaare lasoo sheegay Weerarka, oo badhtilmaameedkiisu ahaa Villa Soomaaliya oo ay ku yaalaan Safaaradaha Eithiopia & Jabuuti.

Al shabaab ayaa ka faa'idaysanaya Khilaafka u dhaxeeye Madaxda DFS, kaasi oo habacsanaan ku keenay Ciidamada Amaanka ka Hawlgeli jirey oo haatan aan sidoodii hore ahayn.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment