Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in dalkiisu caado u leeyahay xakamaynta khilaafaadka siyaasiga ah inay wadaxaajood lagu xalliyo wixii is-garan-waa ah ee jira, isaga oo u ballanqaaday beesha caalamka inaan shaqaaqadii dhowaan dhacday dib-udhac ku keeni doonin nabada iyo xasiloonida dedaal badan u galeen gaadhitaankiisa.

Qoraalka Wasiirka Khaarajiga ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siilanyo u soo jeediyey shacabka inay degenaansho muujiyaan, kana tacsiyadeeyey qoysaskii dadkoodu waxyeeladu ka soo gaadhay.
“Madaxweyne Siilanyo waxuu u soo jeediyey gollaha Baarlamaanka inay gutaan waajibaadka ka saran shuruucda horyaala ee la xidhiidha nabadgelyada, miisaaniyadda, ansixinta xubnaha cusub ee koomiishanka qaranka, isla markaana khilaafkoodu caqabad ku keenin nidaamka doorashooyinka loo diyaargaroobayo.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeed kooban oo wasaaradda Arrimaha Dibadda ka soo baxay.
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Md. Biixi waxa uu sheegay in khilaafka sharci ee ka taagan Golaha Baarlamaanka si deg-deg ah xal looga gaadhi doono maalmaha soo socda, isla markaana ay Golayaasha Sharci-dejintu hawlahooda dib u bilaabi doonaan bilowga todobaadka soo socda.
Qoraalkan ayaa gebagebadii lagu sheegay in xukuumada Somaliland u ballanqaadayso shacabkeeda iyo beesha caalamka in khilaafyadaas ku kooban yihiin oo kaliya baarlamaanka isla markaana aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin nabadda iyo xasiloonida Somaliland dedaalka badan u gashay helitaankeeda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment