Tuesday, November 18, 2014

“Guddoomiye Cirro iyo Muxaafidka oo is-haysta uma afduubnaan karaan arrimaha Qaranka ee ansixinta Komishanka & Xeerka diiwaangelinta, ee waa in la siidaayaa..” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa, 18 Nov, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa markii u horreysay ka hadlay khilaafka iyo xiisadda ka soo cusboonaatay dhinacyada Golaha Wakiillada ee Mucaaradka iyo Muxaafidku kala hoggaamiyaan, isla markaana waxa uu soo jeediyey in Goluhu Danta Qaranka ka horreysiiyaan danta gaarka ah, ansixiyaanna xallinta murankooda ka hor Xubnaha cusub ee loo magacaabay Guddiga doorashooyinka iyo Xeerka diiwaangelinta ay hore u ansixiyeen, balse ay Muxaafidku kaga dabo-tageen Guurtida, kaas oo sal u ah qayb ka mid ah khilaafka.
Feysal-cali1Guddoomiyaha UCID waxa uu sheegay inaan la aqbali karin in Muranka Golaha Wakiillada ay u afduubnaadaan labada qodob ee Qaranka u yaalla ee ah ansixinta Guddiga doorashooyinka iyo Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah iyo ta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, kuwaasoo ay saddexda Xisbi iyo Xukuumadduba ka dammaanad-qaadeen Beesha Caalamka ee Somaliland taageera dhammaystirka labadaas qodob iyo weliba dedejintooda, in muranka maanta taagan ay u afduubnaadaan labadaas qodobna ay ceeb ku yihiin guud ahaan Qaranka Somaliland.
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay inuu Faysal ahaan qaadanayo door dhex-dhexaadineed oo wax lagaga qabanayo khilaafka u dhexeeya Mudanayaasha Wakiillada ee Mucaaradka iyo Xukuumadda kala taageersan. Waxaanu Tacsi u diray qoyska iyo ehelada hal qof oo ku dhintay Muddaharaad lagaga soo horjeedo Mooshinka xil-ka-qaadista Guddoomiyaha Wakiillada oo Burco ka dhacay, isagoo dadka ku dhaawacmayna u duceeyey. Guddoomiye Faysal waxa uu xusay inuu wadahadal la bilaabay labada dhinac ee Mucaaradka WADDANI iyo Muxaafidka Xukuumadda, waxaanu soo jeediyey inaan is-haysiga siyaasadda la qabyaaladaynin oo reeraha aan lagula galgalan khilaafka siyaasadeed.
“Ismaan lahayn Cajaladdii 2009-kii ayaa shan sano ka bacdi dib idiinku soo noqon doonta, waad ogeydeen 2009-kii markii ay Xukuumaddii Daahir Rayaale iyo Cabdiraxmaan-Cirro is-qabsadeen sidan oo kale laba qof ku dhinteen ee Golaha Baarlamaanka la xidhay, waxaan islahaa dib idiinku soo noqon mayso, haddana way soo noqotay. Markaa, Dhacdadani Somaliland waxay ku noqotay dhacdo fool-xun, cadawgana way ka farxisay, waxa la ii sheegay in shalay (dorraad) Waqooyiga magaalada London Raashinku bilaash ahaa oo la yidhi; ‘Somaliland baa is-dilaysee cuna,’ markaa waxaan u sheegayaa qoladaa Soomaalida ah Soomaaliyi iskuma jirtee kuwa Somaliland xaasida waxaannu ku nool nahay waa xaasidnimadiinna, isna dili mayno Insha ALLAAH.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo shalay Xafiiskiisa xarunta dhexe ee Xisbiga UCID ku leeyahay magaalada Hargeysa ugu warramay Warbaahinta qaarkeed oo su’aalo kala duwan ka weydiiyey xaaladda khilaafka ee Somaliland hadda ka taagan.
Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay inaanay habka ay hadda ku socoto Somaliland ahayn mid qurux badan oo meel lagu gaadhi karo, isla markaana uu muddo laba sano ah ka qaylinayey oo uu Wada-tashi Qaran ku baaqayey, welina aanu ka tanaasulin ee uu soo jeedinayo in Wada-tashi Qaran la isugu yimaaddo. Faysal waxa uu sheegay maaddaama oo uu Xisbiga KULMIYE Mucaaradnimadiisii ahaa Xisbigii ugu cabbanaa, uguna cabaadka iyo cabashada badnaa in wixii ay ka qaylin jireen maanta iyagu ku dhaqmaan inay ceeb ku tahay Xisbiga, Xukuumaddiisa iyo Siyaasaddooda mustaqbalka-ba, isla markaana ay Bulshada ixtiraamaan, gartaanna inay masuuliyadi saaran tahay.
Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya muranka siyaasadeed ee dalku galay waxa uu yidhi; “Maanta arrintan taagan arrin la filayey may ahayn, waxay ahayd Komishanka in la sii daayo, Xeerkana la sii-daayo, bishii hore 21-keedii ayaannu adduunka u soo ballan-qaadnay oo nidhi 23-ka bisha ayaa la fadhiisanayaa oo waa la siidaynayaa, oo Guddoomiyaha Guurtidana waannu kala hadlaynaa in deg-deg loo siidaayo, maantana arrinti way laalan tahay, maalintay dib u dhacdo doorashadeennuna fool-xumaanteennu way badanaysaa. Adduunka waxaynu ka haysannay saddex qodob oo ah dimuquraadiyad, Saxaafad madax-bannaan iyo nabadgelyo, maanta nabadgelyadii baa innagu hadhay, una dul-qaadan mayno in nabadgelyada nalagaga ciyaaro ama Mucaarad ha ahaadaan ama Muxaafid ha ahaadaane inay dad dano gaar ah leh oo iyagu isu jeedaa nabadgelyada Shacabku haysto ay kaga ciyaaraan ka aqbali mayno.”
“Anigu waxaan u hadli waayey Mawqifkaygu waa Mawqifka Xisbiga UCID, Xisbigana Madaxdiisu way ka hadashay Musharraxa Madaxweynaha Jamaal baa hadlay, Musharraxa ku-xigeenka Cabdirashiid baa hadlay oo Guddoomiye Ku-xigeenka Saddexaad Cali-Guray ayaa hadlay, markaa Xisbigu Mawqifkiisa wuu caddeeyey, aniguna waan la qabaa. Laakiin, Shaqsiyan anigu Faysal ahaan maanta oo kale waxaan ka ciyaaraa door inaan sulux ka galo ah.” ayuu yidhi Faysal, waxaanu sheegay in Allaah ku guuleeyey dhex-dhexaadin iyo sulux uu ka galay khilaafyo iyo kacdoonno kala duwan oo dalka soo maray oo ay ka mid ahaayeen dejinta Muddaharaadyo 4 qof ku dhinteen oo Hargeysa ka dhacay oo Riig Xukuumaddii Rayaale ka kaxaysay koonfurta Hargeysa lagu diiddanaa, doorashadii Madaxtinnimada ee 2003-dii, muddo-kordhintii qaska dhashay iyo xalkii caalamku galay ee lixda qodob lagu dhex-dhexaadiyey Mucaaradka UCID iyo KULMIYE oo isku dhinac ahaa iyo Xukuumaddii Rayaale iyo Guurtida oo isku dhinac ahaa, tanna uu rejaynayo in Allaah ku guuleeyo isu-soo dhawaansheheeda iyo soo afjariddeeda.
“Maanta waxay ila tahay in siyaasadda qabyaaladda laga daayo, Hay’ado ayaa is-haya, hay’adaha halloo daayo, Sharci iyo Xeerar baa jira, hallagu kala baxo, laakiin tollaayeey meesha kuma jirto. Dawladdana xoog baan wax ku beddelayaa inay tidhaahdo maaha. Waynu ognahay Xukuumadda iyo Xisbul-xaakimku waa isku qolo, laakiin waa inay kala madax-bannaanaadaan Mooshinnada Baarlamaanka oo la ydihaahdo Mooshinkaas Baarlamaankaa isku haya, laakiin inay Xukuumaddu door ka ciyaarto ma qurux badna.”
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya labada qodob ee ansixinta Guddiga cusub ee doorashooyinka iyo hirgelinta Xeerka diiwaangelinta, waxa uu yidhi; “Immikana waxaan leeyahay waar hala isku soo dhawaado, Xubnaha Guddiga doorashooyinka halla siiddaayo oo halla ansixiyo, Xeerka Diiwaangelintana halla sii-daayo, arrinta markaas u dhaxaysa Guddoomiyaha iyo Wakiillada kale gadaal hallaga xalliyo, oo hallagu xalliyo si nadiif ah, si suuragal ah, si aan ahayn middi midd ku taag iyo jewi wanaagsan oo caadi ah. Laakiin, labadaas qodob waxaannu leenahay Madaxweyne iyo Guddoomiya KULMIYE waxaan leeyahay labadaa qodob waa inaad xubnihiinna kala hadashaan oo la sii daayaa, bal si caalamku wuxu innaga sugayo wuxuun innooga arko in la qabtay.”
Faysal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Ansixinta Guddiga doorashooyinka iyo Xeerka diiwaangelintu maaha arrin ay Baarlamaanku leeyahay maaha ummaddaa leh oo waa arrin Qaran, muranka Wakiillada uma xidhnaan karaan, Guddoomiye Cabdiraxmaan iyo Muxaafidka oo is-haysta uma afduubnaan karaan arrimaha Qaranka ee ansixinta Komishanka iyo Xeerka diiwaangelintu, ee waa in la siidaayaa, haddaa doontaan markaa idinku Badda iskula dhaca.” Waxa uu ka digay Faysal Cali Waraabe sida caalamku u simay toddobaadkan ee u sheegeen in Hargeysa iyo Muqdishaba buuq siyaasadeed ka taagan yahay inaan lagu sii wadin ee badbaadinta Qaranka laga horreysiiyo isku-jiid-jiidashada danaha gaarka ah.
Eng. Faysal oo Madaxweynaha la hadlayaa waxa uu yidhi; “Madaxweyne si sharaf leh ayaa lagugu keenay Cod baa lagu siiyey, intaad joogto inaad sharaf ku maamusho, markaad tegaysana sharaf iyo sumcad kaga tagto Kursiga ayaa kuu fiican, yaanay dad dano gaar ah lihi kaa duwin sharafta, horena Sharaf iyo sumcad baad u lahayd, Halgan baad soo gashay oo aad ku suntanayd, SNM baad ahayd, haddana sharaftaadu ha noqoto mid muuqata oo aan la duwin. Haya’daha dawliga ahna qabyaaladda hallaga daayo.” Waxaanu Faysal sheegay inuu tan iyo bishii March ee sannadkan ku mashquulsan yahay gubitaanka Buugaag been-abuur ah oo lala wareegayo dalalka caalamka si Somaliland loo siqiiriyo, welina uu hawshaas ku jiro.
Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey in dhawaanahan uu ka aammusnaa Faysal ahaan ka hadalka murannada siyaasadeed ee dalka ka taagan, sidaa awgeedna lagu tirinayo ama dadka qaar ay yidhaahdaan wuxu u janjeedhaa Faysal dhinaca Xukuumadda oo uu heshiis la galay iyo waxa arrintaas ka jira, waxa uu yidhi; “Horta, Xukuumadda wadahadal wuu na dhex-marayoo doorashooyinka ayaannu ka wadahadalnay annaga oo saddexda Xisbi ah, Faysal-na maaha Waash-maankii Somaliland, Xisbigu maalinkasta wuu hadlaa, Cali-guray wuu hadlaa, Jamaal wuu hadlaa, waana raggii Xisbiga, dawladda wada-shaqayn baannu la yeelannay oo ku heshiinnay maaddaama oo ay doorasho dhacayso, mar haddii wax naga dhexeeyaan haddaannaan dawladda iyo Xisbiga KULMIYE heshiis la noqon waxba noo hagaagi maayaan.”
“Markaa, annaga oo saddexda Xisbi iyo Xukuumadda ah heshiis baannu ku galnay hawlaha doorashada, saddexdayada Xisbi oo wada socdaa waxaannu tagnay Nairobi, waxaannu muujinnay midnimo iyo inay naga go’an tahay inannu doorasho diyaar u nahay, taasina ceeb maaha. Waxa la leeyahay Faysal Guri baa loo dhisay, Guri waan isaga baahanay, oo Hargeysa hal guri kuma lihi, Dhulkii aan ku lahaa ee aan 1997-kii iibsadayna markii Madaarku galay waa la iga qaaday, Dhul la iigu beddelayna ma jiro, markaa haddii dhulkaygii la ii soo celiyo ama beddelkiisa la isiiyo waxaaban odhan lahaa waar dhulki wakaase ii soo dhisa, laakiin dhulkii baanan haynba. Siyaasi aan Somaliland Guri ku lahayni ma jiro aniga mooyaane, anigu waxaan ahay Siyaasiga keliya ee aan dalka Toban doollar ka soo gelin.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe. Faysal oo la weydiiyey inuu dhinacyada weli wax kulammo ah la yeeshay maaddaama oo uu sheegay inuu door Odaynimo ka qaadanayo khilaafka taagan, waxa uu sheegay inuu Masuuliyiin Xisibga WADDANI la kulmay, sidoo kalena Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan la xidhiidhay oo ay hawshaasi u socoto.
Guddoomiyaha UCID oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxay ku kala duwan yihiin Xukuumaddii Daahir Rayaale iyo Xukuumaddan Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu yidhi; “Horto, mid waliba waxyaabo ay ku wanaagsantay baa jira, Xukuumaddii hore xidhiidh ahaan waxay lahayd Wasiirro iyo Madaxweyne isku xidhan oo wixii soo kordha lagala hadli karayey oo isku xidhan, Xukuumaddan cid aad ku hagaagto garan-ba maysid ama heliba maysid, waxaad mooddaa NGO caalami ah, waxaad arkaysaa shan Wasiir oo Xaflad wada fadhiya oo mid waliba hadlayo halkii uu hal mid Xukuumadda meteli lahaa, markaa waxaad mooddaa inay arrintaa xidhiidhka iyo isku-xidhnaanta tii hore kaga fiicnayd Xukuumaddan.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment