
Tallaabadaasi ayaa timid kaddib heshiis ay kala saxeexdeen hoggaamiyeyaasha milatariga iyo kuwa bulshada rayidka, kaasi oo ku salaysnaa axdi ogolaanaya maamul muddo sanad ah oo dalka u horseedaya doorashooyin.
Ninka xilka loo magacaabay ayaa waxa uu ka mid ahaa shan qof oo u sharaxnayd xilkaasi, waxaana dadkaasi ka mid ahaa laba weriye.
Shaqada ugu horreysa ee Kafando hortaala ayaa ah in uu soo magacaabo ra’iisalwasaare hoggaamiya dowladda balse isaga uma tartami karo doorashada soo socota.
Milatariga ayaa qaatay go’aankani deg degga ah si uu uga soo baxo wakhtiga kama dambeysta ah ee midowga Afrika uu u qabtay in uu xukunkii rayidka ku soo celiyo, si dalkaasi uu uga baaqsado cunaqabatayn dhaqaale.
Milatariga ayaa si kooban ula wareegay xukunka dalkaasi kaddib markii ay rabshado xukunka looga tuuray madaxweyne Blaise Compaoré.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment