
Mr. Kay oo qoraal saxaafadda loogu talogalay oo la xidhiidha bannaan-baxyo sababay dhimasho iyo dhaawac todobaadan ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, kuwaas oo ka dhashay khilaafka Sharci oo ka soo cusboonaaday Golaha Wakiillada, waxa uu dhammaan dhinacyada ay arrintani khusayso ugu baaqay inay muujiyaan xilkasnimo iyo isu-tanaasul isla markaana la xushmeeyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.
“Waxa wer-wer leh xiisado ka dhashay diyaargarow baarlaamaanku ugu jiray doorashooyinka. Somaliland waxa lagu majeertaa nidaamka doorashooyinka dimoqraadiga. Shaqaaqo kasta waxay keenaysa halis ku timaada guulaha la gaadhay,” Sidaas ayuu Mr. Kay ku yidhi Qoraalkisia.
Nicholas Kay oo madax ka ah Xafiiska UNSOM ayaa Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya taageeridda arrimaha la xidhiidha xasiloonida iyo dhismaha nidaamka maamulka, ayaa xafiis ku leh magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, haseyeeshee xafiiskaasi ayaa shaqadiisu ku kooban tahay xidhiidhinta hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawl-gala Somaliland iyo isku-dubba Ridka arrimaha gar-gaarka iyo mucaawimooyinka ee Somaliland, halka Soomaaliya oo fadhigiisu yahay Nicholas Kay uu uga hawl-galo arrimaha siyaasadda.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa soo dhaweeyey dhawaaqa ka soo yeedhay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay, kaas oo uu ku tilmaamay inuu ka tarjumayo aragtida Shacabka Somaliland ka qabaan dhacdadii todobaadka ka dhacday Golaha Wakiillada.
Guddoomiye Cirro oo shalay warbaabinta qaarkeed oo uu kula hadlay Hargeysa wax ka weydiiyeen dhawaaqa ka soo baxay Danjire Nicholas Kay, waxa uu ku jawaabay, “Taas shacbigu wuu qabaa waayo golaha ciidan baa qabsaday, waxaanan shacbigu ugu baaqayaa nabad-gelyadooda inay ilaashadaan, dareenkoodana ay si salmi ah mar walba ku muujiyaan, waanay caddeyd inay ahayd faro-gelin ciidan oo lagu sameeyey golaha, waxaananu jecelnahay in arrintaasi dib u dhicin,”Sidaas ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment