
Caaqail Faarax Boon oo isaguna hadalka qaatay ayaa yidhi “Baarlamaanku waa wax madaxbanaan oo la doorto ee ma aha wax qaranka lagu dumiyo, Somaliland-na maanta qabiil naguma deeqayso ee qaranimo ayay nagu deeqaysaa, waxa aan leenahay ha laga daayo qabiilka xiisada maanta oogan, qaranimada iyo nabada ha la inoo daayo, baarlamaankana ha loo daayo madaxbanaanidiisa oo sida ay wax u doonayaan ha loo daayo, hadii aan reer Awdal nahay-na waxa aan leenahay qaranka sidan ha laga daayo oo qabiilka iyo qaranimada ha la kala saaro, yaan loo noqon waxii shalay ka dhacay Somaliland taasina waa naga digniin ayaan leenahay”
Caaqil Saxane oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Arrimaha maanta dalka oo dhan ka taagani waa wax laga xumaado, Gudoomiye Ciro waxa doortay baarlamaanka, waxaana uu ku soo baxay aqlabiyad, waxana uu joogaa muddo 9 sano ah, haddii maanta la yidhi waan bedelaynaa ma ahayn in qabiil laga dhigo arrinta, isaguna ma ahayn inuu way tolaayeey yidhaa oo uu arrinta sharciga ka weeciyo oo uu mudaharaad ku baaqo waxaana aan leenahay guddoomiye Ciro taasi ha ka waantoobo, Dadwaynahana waxa aan leenahay dawladnimadu waa inoo dhisan tahay ee ha loo daayo haybadeeda, maalintii aan codaynaynay waxa aan lahayn aan qabiil reebno ujeedadeenuna sidaas ayay ahayd ee arrintu yaanay naga xumaan oo aanay kaadi kale na cabsiinin, salaadiinta, dadwaynaha iyo mutacalimiintuna yaanay ku milmin siyaasada.
Caaqil Saxane waxa kale oo uu dhaliilay xildhibaanada gobolka Awdal waxaana uu yidhi “Ka hor intii aanay saxeexin warqada mooshinka waxa la gudboonayd inay yidhaahdaan bal joojiya talo ayaan ka leenahaye, kolka ay madasha tagaana inay ka hadlaan way lahaayeen oo ay yidhaahdaan waan qaldanee joojiya, waxana aanu dhaliilnay in sidii gobolka Awdal uu dawlad kale yahay inay yidhaahdaan ku milmimayno oo ay dhinac u istaagaan.
Caaqil Dugsiiye oo hadalka la wareegay ayaa yidhi:- “ Waxa aan ku hadlaynaa waa dardaaran iyo waano, waxa aan u damqanaynaa waa waxii aan ku dhisnay Boorama ee dawladnimo ahaa, dalkan isku tanaasulka iyo is xushmaynta ayuu halkan ku soo gaadhay, mana qaadi karo xabad iyo digdig iyo qabiil, xeer nabad iyo midnimo jidaynaya ayaan dajisanay, ninka wax doonayaana inuu idoorta yidhaa ayaan ku balanay, Barina waxa aan leenahay dawladu shalay ayay idiin timid ee goorma ayaad xabad ku baaqdaan, lama gaadhin taas ee dalka u haya xilkiisa sidii ay u hayeen kuwii idinka horeeyayba, taasi waa dardaaran ku wajahan dadka reer Somaliland. Waxa inoo dan ah nabada ee sidaas ha la ogaado, wixii shalay dhacayna ha laga noqdo, ninka wax doonayana nasiibkiisa ha qaado ee dadka ha yidhaa I doorta”
Caaqil Cabdi Cabdilaahi Qayaad oo isaguna waxa uu yidhi “ Dalkan waxa u dhan wixii sharci dawladeed ahaa, dunidana waxa aan ka iibin jirnay nabadgalyo, mana aha in lugta lagu laaqo ma aha, golaha wakiiladana waxa loo doortay hormar ee qabiil looma dooran, dalkana ha laga badbaabiyo jidka Xamar oo kale, waxaana aanu leenahay nabada ayaa lagu soo hiranayaa ee nabada dhawra, wixii idinkana dhexeeyana fadhiga ku dhameeya”
Chief Caaqil Daahir Cismaan Cilmi oo isaguna hadalka qaatay ayaa waxa uu yidhi “Waxa aan ka xunahay wixii shalay dhacay, waxa aan tacsiyadaynayaa cidii shalay ku dhimatay, waxa aan leenahay ha la ilaaliyo nabadgalyada, dalkana nin marti uguma nihin, nin maal ugu mujaahiday iyo nin maskax ugu mujaahidayba waa loo soo wada jihaadaye aan wada ilaashano, siyaasiyiinta doobinaysana waxa aan leenahay nin waloow maskaxdaada miiska dhig oo wax tar ku hag ee ka daaya caruurta la kicinayo”
Ugu dambayntiina Xasan Caynaan oo hadlay ayaa waxa uu yidhi “ Waxa aan kula talin lahaa xukuumada iyo mucaaridkaba, xukuumadu hawlaheeda si waajibku yahay ha u qabsato, mucaaridkana waxa aan leeyahay haddii ay kolba dhan u boodayaan oo ay dantooda qabiil ku raadinayaan iyaga ayay u taalaa, shacabkana waxa aan leeyahay ha u weelaynina nin aan danihiina u adeegayn ee fahma waxa idiin danta ah, maantana ma joogno maalin qaran laga ordo oo qabiil lagu ordo”.
Wabilaahi Tawfiiq
Abdale Ali Yusuf
Borama Awdal
+25224456820
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment