Wednesday, November 19, 2014

Wariye Xalay Lagu Dilay Magaalada Galkacyo

Galkacyo:Nov,19,2014(Himilo)-Wariye Ka Hawlgeli Jirey Idaacadda Daljir iyo Horn Cable TV, ayaa habeenkii xalay Kooxo Hubaysani ku toogteen badhtamaha Magaalada Galkacyo iyo Badhtamaha Somalia.

sileWariyahan ayaa lagu magacaabi jirey Cabdirisaaq Cali Cabdi Silver, waxana dilkiisa ka dambeeyey Kooxo Bistoolado ku Hubaysan oo aan wali Haybtooda la aqoonsan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in laba dhalinyaro bastoolado ku hubeysnaa ay xabado madaxa kaga dhufteen Wariyaha, iyadoo uu goobta ku qudh baxay.

Ciidamada Ammaanka oo soo gaadhay goobta dilka ka dhacay ayaa howl gallo ay sameeyeen aanay u suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii dilka ka dambeeyay.

Allaha u naxariistee Wariye C/risaaq Silver ayaa ka mid ahaa wariyeyaasha ugu fir fircoon ee ka howl galayay Waqooyiga Galkacyo, waxana uu ifka kaga tegay Xaas iyo laba carruur ah.

Magaalada Galkacyo ayaa sanadihii u dambeeyay waxaa lagu dilay ilaa saddex wariye oo ka shaqeynayay Idaacada Daljir, iyadoo ay tahay magaalada labaad ee lagu dilo Wariyeyaasha ka howl gala Soomaaliya, marka laga soo tago Caasimada Muqdisho oo ah meesha ugu badan ee wariyeyaasha lagu beegsado.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment