Tuesday, November 18, 2014

Ciidamada Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Idaacad Si Weyn Loo Baadigoobayey Oo Hargeysa Laga Dhegaysan Jirey

Hargeysa:Nov,18,2014(Himilo)-Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa Habeenkii xalay Gacanta kusoo dhigay Idaacad FM ahayd oo muddo ay ku daba jirtay taas oo laga dhegaysan jirey Hargeysa iyo Hareeraheeda.

goorIdaacaddan oo lagu magacaabi jirey Baadi-goob, ayaa ay hore xukuumaddu u sheegtay inay ku daba jirto, waxana xalay goor Fiid ah ciidanka Boolisku galeen Aqalkii ay taallay oo ku Yaalla Xaafadda October ee Konfurta Magaalada Hargeysa, iyadoo Halkaas Lagu Qabtay Xubno ka tirsan Shaqaalihii ka Hawgeli jirey oo Tiradooda lagu sheegay Afar Qof.

Idaacaddan ay ciidanku la wareegeen iyada isku dhan, sida uu Taliye Fadal saaka xaqiijiyey, waxana uu taliyuhu tilmaamay in sharciga la horgeyn doono Dadka lagu soo qabtay oo uu ku sheegay eedaysanayaan fidinayey Warar aan sugnayn.

Idaacaddan ayaa xilliyada Habeenkii Soo Geli jirtey, waxana ay baahin jirtey Warar iyo Barnaamijyo ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana taasi ay keentay in si weyn loo Baadi Goobo Goobta ay taallo.

Ilaa iyo Haatan lama garanayo magacyada shakhsiyaadka goobta idaacaddu taallay xalay lagu qabtay, waxase loo malaynayaa inay ahaayeen Wariyayaal Da’yar oo shaqada gacanta ku hayey xilligii ciidanku Goobta Yimaaddeen.

Xukuumadda somaliland ayaa dalka ka mamnuucday in wax idaacad ah laga furo inkastoo ay xaq distoori ah tahay, waxana xukuumaddu idaacaddan ku tilmaamtay mid sharcidarro ah.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment