Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo ) ayaa manta xadhiga ka jaray wajiga koowaad ee la dhameystiray oo ka mid ah ka mid wadada cusub ee isku xidhaysa balligubadle ilaa hargeysa oo cabirkeedu dhan yahay 5km.
Qoraal kooban oo aanu goor dhaweyd naga soo gaadhay xafiiska afhayeenka madaxtooyada ayaa waxa uu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta soo dhawayn aan kala go’lahayn ku soo dhaweeyey Shacbiga Caasimada Hargeysa iyo Baligubadle isaga oo xadhigana ka jaray Wajigii koowaad ee wadada uu hore u dhagax dhigay Madaxweynuhu ee Balligubadle iyo Hargeysa isku xidhi doonta.
Madaxweynuhu waxa uu maalmihii u danbeeyey la kulmaayey gurashada midhihiisa waxqabadka xukuumada ee uu hormoodka ka yahay madaxweynuhu isaga oo jawaabtana ka helaayey kumanaan dadweyne ah oo ku kala dhaqan degmooyinka caasimada Hargeysa sida Sallaxlay iyo Gobolka Hawd oo maanta sameeyey bandhigii ugu weynaa ee uu toddobaadkan madaxweynuhu shacbigiisa kala kulmo.
Waxay ahayd goob aad loo soo agaasimay oo madaxweynaha loogu qado sameeyey xadhigana lagaga jarayey Wajigii koowaad ee wadaasi oo ah 5KM, wadadan oo noqonaysa wadadii ugu horaysay ee shacbiga iyo xukuumadu iska kaashadaan ee tayadeeda iyo qaradeeduba ay tahay heerka ugu sareeya ee wadooyinka isaga goosha laba gobol ama Degmo taasi oo ay kow ka tahay hogaankana ay u hayso wadadan cusub ee xukuumadan la jaan qaaday kuna magacaaban tayo ahaan wadooyinka oo dhan.
Iyada oo ay halkaasi ka hadleen masuuliyiin, madaxdhaqameed, dhalinyaro iyo waayeelka Baligubadle kuwaasi oo kala ah.
1. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil
2. Maayarka Degmada Baligubadle, Cabdi Iimaan Jaamac
3. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)
4. Eng Maxamed Muuse oo ah ka warbixiyey qiimaha iyo tayada wadada
5. Sheekh Naasir oo ku hadlaayey Gudida wadada
6. Maxamed Cali Ducaale Guddoomiyaha Deegaanada Beesha Arab
7. Caaqil Maxamed Xaashi
8. Guddoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Hawd, Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan
9. Caaqil Maxamed Aadan Gaas
10. Caaqil Aadan Ismaaciil (Suufi-haadh)
11. Chief Caaqil Baashe Cismaan
12. Ugaas Axmed Cali Mahdi
13. Suldaan Barre
14. Suldaanka Guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax
15. Xaashi Mahdi Cabdi Guddoomiyaha Dalada Dhalinyarada Beesha Arab
16. Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Dibeda Shukri Xariir Ismaaciil
17. Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami
18. Guddoomiyaha Gobolka Hawd Ibraahim X. Xasan
19. Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cali Warancade
20. Guddoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi
21. Wasiirka Madaxtooyada JSL mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan
22. Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid
23. Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo
Intaasi ka dib waxa madaxweynaha iyo weftigiisu ka qaybgaleen goob aad u u qurux badnayd oo si heer sare ah loo soo agaasimay looguna sameeyey hadhimo sharafeed weftiga balaadhan ee ka qaybgalay furitaanka wadadaasi
HALKAN KA DAAWO SAWIRADA XAFLADA
[gallery columns="4" ids="11335,11334,11333,11332,11331,11330,11329,11328,11327,11326,11325,11324,11323,11322,11321,11320,11319,11318,11317,11316,11315,11314,11313,11312,11311,11310,11309,11308,11307,11306,11305,11304,11303,11302,11301,11300,11299,11298,11297,11296,11295,11294,11293,11292,11291,11290,11289,11288,11287,11286,11285,11284,11283,11282,11281,11280,11279,11278,11277,11276,11275,11274,11273,11272,11271,11270,11269,11268,11267,11266,11265,11264,11263,11262,11261,11260,11259,11258,11257,11256,11255,11254,11253,11252,11251,11250,11249,11248,11247,11246,11245,11244,11243,11242,11241"]
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment