
Xubnahan ayaa la sheegayaa inay dareemeen Culayska arrintaasi leedahay, isla-markaana ay tallo badan kadib isku qanciyeen in arrintu u baahan tahay in muddo badan iyo wakhti ku filan la siiyo, maadaama la doonayo in lasoo saaro wax dhinacyada is haya si fiican ugu qancaan.
Kooxdan dhexdhexaadinta wadda ayaa la sheegayaa inay warkoodan cusub ku wargeliyeen dhinacyadii arrintu khusaysay, waxase aan la hubin qaabka ay labada dhinac ee Muranku Dhexyaalla u arkeen Muddo-kordhintan cusub ee soo korodhay.
Xubnahan Dhexdhexaadinta wadda oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa ilaa shalay Kulamo kala duwan la lahaa Dhinacyada is haya, waxana ay xogo dheeri ka qaadanayeen tabashada labadan dhinac oo ilaa iyo haatan aan la haynin wax lagu xalliyo.
Guddidan ayaa si iskeed ah iskugu xilqaantay Turxaan Bixinta Khilaafkan dalka geliyey halista Siyaasadeed, waxana ay baajiyeen fadhi maalintii sabtidii la doonayey in meesha lagaga saaro Guddoomiye Cirro, iyadoo ay shacabka arrintan ka cadhaysani dalka ka dhigeen Mudaharaaddo dhimasho iyo dhaawac keenay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment