- Daliilka uu adeegsaday Sharci-darro Guddoomiye Cirro ku tilmaamay Mooshinka Furitaanka Kalfadhiga iyo Mooshinka la keenay
- Magacyada 13 Xildhibaan oo Guurtidu u saartay Xalinta Khilaafka Golaha
Hargeysa, 16 Nov, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa labadoodu soo dhaweeyey tallaabada Golaha Guurtidu shalay ku dhex-galeen khilaafka ka taagan Golaha Wakiillada oo fadhigii shalay ee loogu ballansanaa maamuus-ka-xayuubin ay xildhibaannada mucaaradku xilka kaga qaadayeen Guddoomiyaha Golahaas, balse ay baajiyeen Shir-guddoonka iyo xildhibaanno ka tirsan Guddiga Joogtada ah ee Guurtida.

“Golaha Guurtida waan ku ammaanaya waxaana ku hambalyeynayaa shaqada ay Qaranka u hayaan, gacanna waanu ku siinayna, waanay ku mahadsan-yihiin,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo shalay ka hadlayey shir-jaraa’id oo uu warbaahinta qaarkeed ugu warramay madaxtooyada.
Madaxweynaha oo la weydiiyey waxa uu kaga jawaabayo eedaymo loogu jeediyey xukuumaddiisa farogelin ay ku hayso Golaha Wakiilada, waxa uu ku jawaabay, “Golaha Wakiillada iyo Baarlamaankuba shaqadiisa wuu u madax-bannaan yahay, wixii nabadgelyada ku saabsanse waajib iyo xilbaa ka saaran dawladda inay ilaaliso meel kasta ha ahaatee, ama gole gudihii ha noqoto ama dibadda ha noqotee. Laakiin waxa Golaha gudihiisa ah iyagaa u xil-saaran, iyagaa ku shuqul leh, hawshaasna waxa laga sugayaa Golaha Wakiillada oo isu dhan,” ayuu yidhi Md Cirro.
Madaxweynaha oo la weydiiyey aragtidiisa ku aaddan Mooshinka Maamuus ka-xayuubinta Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee mudaneyaasha Muxaafidka ahi Golaha horkeeneen, waxa uu ku jawaabay, “Hawshaasi waxay u taallaa Golaha Wakiillada,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Haseyeeshee, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, ayaa sheegay in xukuumaddu la wareegtay gacan ku-haynta golaha isla markaana ciidamo tiro-badan ku wareejisay xarunta Golaha Baarlamaanka, waxaanu ku dooday inay sharci-darro tahay furitaanka Kalfadhi golaha maadama aanu Goluhu madax-bannaanayn, sida uu guddoomiye Cirro ku dooday.
“Golihii waxa laga qaaday madax-bannaanidiisii, xorriyaddiisii iyo xasaasnaddiisii waxaana ilaa Arbacadii haystay Ciidan aanu shir-guddoonku la socon golahana lagu soo ogeysiin. Ciidanka Golaha joogaa waa inuu ka amar-qaato Guddoomiyaha, markaa ciidanka aan guddoomiyaha ka amar-qaadan oo meel kale ka amar qaata iyo ciidan fara-badan oo agtiisa fadhiya oo ilaa Afar boqol ku dhow oo guriga ka soo horjeeda la keenay, meel kasta oo ciidan la dhigay, waddo kasta oo la xidhay, markaa goluhu wuxuu ku jiray Af-duub,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Isaga oo hadalkiis sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Golaha oo Askari haysato aniga oo ka maqan inuu furmo arrin sharci ah uma arko, waayo goluhu wuu afduuban yahay, haseyeeshee haddii la furay oo Guurtidu soo dhex-gashay, go’aanka Guurtida waan taageerayaa,” ayuu yidhi Md Cirro.
Guddoomiye Cirro oo warbaahinta shalay kula hadlay Hargeysa, waxa uu sharci-darro ku tilmaamay mooshinka xildhibaannada Muxaafadka ahi shalay fadhiga Golaha horkeeneen, kaas oo uu sheegay inuu ka hor imanayo heshiis Golaha Guurtidu hore ugu go’aamiyey inaan Golaha Wakiillada la horkeeni karin mooshinno ka dhan shir-guddoonka.
“Mooshinku hadduu sharciga waafaqsan yahay waa sax, laakiin waxaad ka war-qabteen heshiiskii golaha Guurtidu keenay inay joojiyeen in mooshinno la keeno. Haddii Mooshinka la keeno oo heshiiskii jabo, xeerkii ka horeeyey ee Golaha Wakiillada ayuunbaa dhaqan-gal noqonaya,” ayuu yidhi Md Cirro.
Xildhibaannada Muxaafadka ah ee Golaha Wakiillada, ayaa maamuus-ka-xayuubinta Guddoomiye Cirro u daliishaday Fasax Todoba maalmood ah oo dib loogu dhigay Kalfadhiga 26aad ee Wakiillada oo furmi lahaa Sabtidii hore, iyaga oo guddoomiyaha ku eedeeyey inuu danihiisa gaarka ah iyo ololaha Xisbigiisa awgeed u fasaxay fadhiga Golaha.
Md Cirro oo la weydiiyey waxa uu kaga jawaabayo eedaymaha Mooshinka loo daliishaday, waxa uu ku jawaabay, “Anigu golaha maan fasixin, shir-guddoonkaa waraaq wada-saxeexay, aniga iyo labada guddoomiye ku-xigeen,” ayuu yidhi.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), ayaa guddi ka kooban 13 xubnood oo mudaneyaasha Golaha Guurtida ah u saaray Xalinta Khilaafka ka dhex-taagan Golaha Wakiillada ee sababay in mudaneyaasha muxaafidka ahi soo dhigeen mooshin xilka lagaga qaadayo Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Guddigaan oo ka kooban 13-ka xubnood ah oo Guddoomiye Saleebaan u saaray Xalinta khilaafkaa Golaha Wakiillada, ayaa magacyadoodu kala yihiin:
1. Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf
2. Muxumed Aw Axmed X. Aadan
3. Maxamuud Xareed Rooble
4. Cabdiqaadir Aw Xuseen Mire
5. Siciid Cabdillaahi Yaasir
6. Saleebaan Garas Seed
7. Sh. Maxamuud Xirsi Faarax
8. Siciid Cali Nuux
9. Farxaan Ciise Ubaxle
10. Cawil Xuseen Axmed
11. X. Cabdiraxman Cismaan Jama
12. Xirsi Ciise Jaamac
13. Maxamed Sh. Cabdiraxmaan
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:
Post a Comment