Hargeysa, 18 Nov, 2014 (Himilo)- Wasaaradda Xannaanadda Xolaha Somaliland, ayaa bilowday Olole Xannuunno kala duwan lagaga tallaalayo Xoolaha Somaliland, gaar ahaan Adhiga, kaas oo socon doona muddo ku siman laba bilood oo ka bilaabantay 1-dii bishan aynu ku jirno ee November.
Ololahan oo hawl-wadeennada Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda Xannaanadu Xooluhu ka fulinayaan dhammaan gobollada iyo degmooyinka Dalka, ayaa Adhiga Xannuunsanaya lagaga daawayn doona Cudurrada Susunka iyo Furuqa, kaas oo socon doona ilaa bilowda sannadka dambe.
Hawl-galkan ayaa qayb ka ah barnaamij Wacyigelineed oo Wasaaradda Xannaanada Xooluhu ku wargelinayso Xoolo-dhaqada Somaliland, ayaa lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Dr Jaamac Maxamed Odowaa, kaas oo u qornaa sidan: “Waxaa xoolo-dhaqatada Somaliland oo dhan laga codsanayaa inay ka faaidaystaan tallaalka iyo daawaynta ay waddo Wasaaradda Xannaanada Xooluhu muddada Dhan 57 Cisho kana bilaabmaya dalka oo dhan bishan November 1-deeda illaa Bisha Jeenaweri Awalkeeda, lagana tallaali doona Adhiga laba cudur oo kala ah Susunka iyo Furuqa, kuwaas Lagana daawayn doono dhammaan Xoolaha Xannuunsanaya.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment