Monday, November 17, 2014

Madaxweynaha Turkiga Oo Dibadda Usoo Saaray Libin Muslimiinta Hore Looga Daahay Oo ay Laheen

Stanbul:Nov,17,2014(Himilo)-Raccep Tayyip Erdogan oo ah Madaxweynaha Dalka Maraykanka, ayaa shaaca ka qaaday Libin hore looga qariyey dadka Muslimiinta ah oo ay hore u lahaayeen.

erdoganMudane Erdogan, ayaa sheegay in muslimiintu ahaayeen dadkii ugu horreeyey ee Helay Qaaradda America ay ahaayeen muslimiin, kuwaas oo helay Qarnigii 12-aad, waxana arrintaasi ay dhacday sida uu sheegay Saddex qarni ka hor intii aan Bad-mareenkii la odhan jiray Christopher Columbus Aanu Cagaha dhigan Qaaradda America.

Buuggaagta taariikhda badankoodu waxay sheegaan in Columbus uu cagaha dhigan 1492kii qaarada America, isagoo raadinaaya dariiq cusub

“Xidhiidhka ka dhaxeeya Latin America iyo taariikhda Islamka waxa weeyaan qarnigii 12aad, sababtoo ah 1178kii ayaa dad Muslimiin ah heleen qaaradaas, manuu helin Christopher Columbus. Waxaanan jecelahay in arrintaas aan kala hadlo walaalahayga reer Cuba. Waxaana meel sare oo buura ah laga dhisaya masaajid” ayuu yidhi Erdogan oo ka hadlaayey kulan hoggaamiyayaasha Muslimiinta ah ee Latin America ku lahaayeen magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

balse taariikhyahanno islaam ah ayaa waqtigan ku dooda in waqtigii Muslimku adduunka ka talinaayey ay jirtay Qaarada America.

Maqaal uu qoray taariikhyahanka Youseff Mroueh sannadkii 1996kii, ayaa laf ahaantiisu sheegay in Columbus uu xasuus qorkiisa ku qoray inuu masaajid ku arkay Cuba.

Arrintan ayaa cadho gelisay dadka kasoo jeeda Qaaradda Amerika, kuwaas intooda Diinta islaamka aan Haysani aanay Ogolayn in cid aan Cristopher ahayn aan la siinin Libintaas.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment