
Maxkamada ciidamada ayaa waxaa la horgeeyay 7-nin oo dhamaantood Shabaabnimo ku eedeysnaa, inkastoo mid kamid ah raga maxkamada la horgeeyay lagu waayay wax dambi ah.
Raga maxkamada la horgeeyay ayaa magacyadooda waxa ay kala yihiin Maxamad Cabdi Axmad Colow, Xaajaw Shiih Nuur Cumar, C/risaaq Shariif Cumar Shariif, Maxamad Cabdullaahi Axmad Cabdalle, Maxamuud Aadan Ducaale, C/xakiin Maxamad Ciise iyo Saacid Aadan Cabdulle.kuwaas oo la filayo in dhawaan la toogan doono.
7-da nin ayaa waxaa soo eedeeyay xafiiska Xeer ilaalinta maxkamada ciidamada Puntland, waxaana kiiskooda loo fadhiistay shalay oo Isniin aheyd, isla shalay ayaana lagu riday xukunka.
Guddoomiyaha maxkamada ciidamada Maamulka Puntland ee Gobolka Bari C/fitaax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunka, wuxuuna dil ku xukumay 6-nin halka maxkamada uu kasii daayay Saacid Aadan Cabdulle oo kamid ahaa 7-da nin ee maxkamada la horkeenay, markii wax dambi ah lagu waayay.
Ragan shalay ay xukuntay Maxkamada ciidamada Puntland ayaa waxaa laga soo kala qabtay Magaalooyinka Boosaaso iyo Buuraha Gal-gala oo Shabaabka Puntland ka dagaalama ay ku dhuumaaleystaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment