Tuesday, November 18, 2014

Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo Jawaab adag ka bixiyey Qoraal 16 Wasiir kaga dalbadeen inuu xilka iska casilo

Muqdisho, 18 Nov, 2014 (Himilo)- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ee uu dhisay Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa shalay ugu baaqay Raysal-wasaaraha magacaabay inuu iska casilo xilka uu hayo, ka dib markii uu sii xoogaystay khilaafka siyaasadeed iyo awoodeed ee u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal-wasaaraha dalkaas.
abdiweliHase-yeeshee, Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa War qoraal ah kaga jawaabay dalabka Wasiirrada Xukuumaddiisu u jeediyeen, waxaanu ku tilmaamay mid nasiib-darro, isagoo ku amray Wasiirrada inaanay ku milmin khilaafka siyaasadeed oo uu ku macneeyey mid dalka, dawladda iyo dedaalka Xukuumaddiisa lagu burburinayo, isla markaana ay ku ekaadaan, sideedana u gutaan shaqada Qaran ee waajibaadku ka saaran yahay iyo mid weliba Hay’adda dawladdeed ee uu ku magacaaban yahay dhawriddeeda iyo hagiddeeda.
16 Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh, ayaa bayaan ay Wada-jir u soo saareen Isniintii shalay, isla markaana ay ku sexeexan yihiin, kuna qoran yihiin magacyada 16-kaas Wasiir, ayay ugu soo jeediyeen Wasiirka Wasiirradu inuu xilka iska casilo.
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdillaahi Goodax Barre oo shalay u hadlay Wasiirradan 16-ka ah, ayaa sheegay inay isla garteen in Raysal-wasaaraha ay ku habboon tahay inuu is casilo maaddaama oo ay meesha ka baxday kalsoonidii iyo is aamminaaddii ka dhexaysay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh.
Waxa uu Wasiir Goodax sheegay inay Wasiirradani u gudbiyeen Raysal-wasaaraha dalabkooda ay kaga dalbadeen inuu iska casilo xilka uu hayo, isla markaana u soo jeedinayaan inuu isagu fududeeyo khilaafka cakiran ee Madaxda Soomaaliya oo ragaadinaya hor-u-socodka iyo la shaqaynta Beesha caalamka ee Soomaaliya, waxaanu Wasiirku xusay inay Wasiirro hadda dalka dibedda kaga maqan ay isla og-yihiin, islana qaateen mawqifkan ama go’aankan ay Bayaankooda ku muujiyeen.
Hase-ahaatee, War-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya isla shalay, ayaa lagu sheegay in markuu Raysal-wasaaruhu arkay qodobka 97-aad ee dastuurka Soomaaliya, faqradihiisa 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad. Markuu arkay qodobka 100-aad ee dastuurka farqradihiisa (a) iyo (b), markuu tixgeliyey waqtiga adag ee uu dalku marayo, wuxuu go’aamiyay:
“1. In xubnaha Golaha Wasiirada oo ah awoodda fulinta dalka ay hawlahooda shaqo u gutaan si waafaqsan dastuurka iyo sharciyadda dalka, isla markaana aanay qayb ka noqon khilaafka iyo dhibaatada la doonayo in lagu naafeeyo dedaalka Xukuumadda iyo qorshaha hiigsiga cusub ee 2016-ka.
2. Raysal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya wuxuu si cad u xaqiijinayaa inuu u taagan yahay maslaxadda dalka iyo horumarinta danta guud ee Qaranka, isla markaana aanu aqbali doonin wax Alla iyo wixii ka horjeeda dastuurka iyo sharciyadda dalka u yaalla ee la doonayo in lagu kala daadiyo dawladnimada Soomaaliya iyo mustaqbalka u soo ifaya dadka iyo dalka.
3. Ra’iisal wasaaruhu wuxuu dib ugu xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in aanu ka leexan doonin waddada sharciga ah, wuxuuna uga mahad-celinayaa dadweynaha, Xildhibaannada iyo guud ahaan shacabka taageerada siiyay Xukuumadda iyo hoggaankiisa.
4. Ra’iisal wasaaruhu wuxuu dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada ku adkeynayaa inay sii xoojiyaan shaqada ay u hayaan ummadda, kana digtoonaadaan inay noqdaan gacmhii loo adeegsan lahaa burburinta dalka iyo dawladnimada; wuxuuna diyaar u yahay inuu aqbalo wasiirkii doonaya inuu is casilo ee garowsada inuu gudan waayay xilkii uu qaranka u hayey.
5. Ra’iisal wasaaruhu wuxuu soo dhaweynayaa dedaalka ay wadaan beesha caalamka, isagoo shacabka ugu baaqay inay sii wadaan taageerada ay u hayaan Qaranimada iyo in sharcigu sarreeyo.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.
Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa maraya heerkii ugu sarreeyay, isla markaana gaadhay heer uu kala qaybiyo Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka oo u qaybsamay Garab la safan Madaxweynaha oo Mooshin codka kalsoonida loogu qaadayo Golaha ka keenay iyo Garab ka soo horjeeda oo Raysal-wasaaraha la safan oo khalkhaliyey fadhiyadii Baarlamaanku yeelan lahaa, isla markaana labadii toddobaad ee u dambeeyey markasta oo in Baarlamaanku furmo la isku dayo qaylo iyo buuq ka dhex bilaabayey fadhiyada si aanay u suuragelin in mooshinka Raysal-wasaaraha laga keenay Shir-guddoonku u soo gudbiyo Mudanayaasha si ay codka kalsoonida ugu qaadaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment