
Sargaal ka tirsan guddida garsoorka dalka Masar ayaa sidoo kale u sheegay warbaahinta inay doonayaan in wariye Peter Greste iyo wariyaal kale ay dalka ka saaraan dawladahoodana ku wareejiyaan.
Sadexda wariye ee Al-Jazeera u shaqeeya oo dalka Masar ku xidhan muddo dhan 370 cisho ayaa shalay maxkamadi waxay amartay in mar kale kiiskooda dib loo dhagaysto.
Hore waxaa mar loogu xukumay min 7 sanno oo xadhig ah, waxaana ay ku eedeysanyihiin inay taageero u fidiyeen ururka Ikhwaanul Muslimiin oo dalkaasi mamnuuc ka ah.
Xukuumadda Masaarida ayaa kamid ah Dawladaha warbaahinta Cabudhiya, waxana xukuumaddan haatan xilka haysaa ay awooddii ka qaatay Madaxweynihii la doortay ee Dalkaasi Maxamed Mursi.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment