
Maxamuud Cali Saleebaan oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa sharraxay arrimaha lagaga hadlay kulanka, waxaanu yidhi, “Waxaanu iskugu nimid masuuliyiinta gobolka iyo isuduwayaasha wasaaraddaha dawladda, waxaanu kagaga wada hadalnay arrimo dhawr ah oo ay lambar kow tahay xoojinta nabad galyada, ilaalinta hantida umadda, daba galka iyo ka-wada-shaqaynta mashaariicda ka socota gobolka.”
Waxa uu Badhasaabka Awdal sheegay in gobolka Awdal oo dhul buuralay ah ku yaalaa ka liito dhinaca gaadiidka caafimaadka, waxaanu yidhi, “Waxaan gobolka u soo helay 2 Ambalaas oo aanu khamiista ku wareejin doono Wasaaradda Caafimaadka. Runtii gaadiidka Ambalaasku wuu nagu yaraa intana naguma filna ee meelo badan ayaanu uga baahannahay hadday tahay degmooyinka iyo hadday tahay Caasimada gobolkaba, waxaanu runtii u baahannahay dhawr ambalaas maadaama gobolku buuralay iyo xeeb u badan yahay oo degma walba loo baahan yahay inuu hal ambalaas joogo.”
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment