Ka hor intii aanay bilaabmin Xaflad ballaadhan oo loogu dabbaal-degay furintaanka Shaybaadhka oo habeennimadii Isnniintu soo galaysay lagu qabtay barxadda hore ee goobta ay ku yaalaan Haamaha Keydka Shidaalka ee magaalada Berbera, waxa uu madaxweynuhu furitaanka xarunta kaddib kormeer ku maray Xarunta Shaybaadhka Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, waxaanu halkaas warbixinno kala duwan kaga dhegaystay khubaro muwaadiniin iyo Ajaanib isugu jirta oo ka hawl-galaya Xarunta Shaybaadhka oo loogu talo-galay in lagu ogaado shidaalka saxda ah iyo ka aan saxda ahayn ee dalka la keeno.


Ugu horreyn waxa munaasibadda ka hadlay Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo ka war-bixiyey qaabkii ay ugu suurto-gashay hirgelinta Sheybaadhka tayada Shidaalka oo noqonaya markii ay ugu horreysay ee Somaliland yeelato Xarun lagu hubiyo tayada Shidaalka dalka la keeno. Sidoo kale, waxa uu faah-faahin dheer ka bixiyey waxqabadka u qabsoomay muddadii uu xilka hayey. “Wax-qabadkayaga waxa markhaati ah Shaybaadh ay caawa furitaankiisa u fadhino, dib u dhiska haamaha keydka shidaalka oo la casriyeeyey lana balaadhiyey, laamiyada, dhiraynta oo ay kow ka tahay Timirta aad arkaysaan inta ay dherer le’egtahay oo la goosan doono insha allaa marka aad madaxweynaha shanta sanno ee danbe doorataan,” Sidaas ayuu yidhi Maareeye Saleebaan Siciid Cali.
Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin) oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa Maareeyaha uga mahadnaqay wax-qabadkiisa, waxaanu yidhi, “Runtii sheekhu waxa uu ku talaabsaday waxqabad muuqda oo aan la dafiri karin waana wax lagu mahadiyo waxqabadka uu qabtay oo qaranka u faan ah.” Gobolka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi bidaar, ayaa hadlay muhiimadda uu leeyahay hirgelinta Shaybaadhku, waxaanu madaxweynaha ku hambalyeeyey dedaalka uu la barbartaagan yahay shacbiga iyo masuuliyiinta waxqabadka muujiya.
Maareeyaha Dekeda Berbera Cali Maxamed Cumar (Cali Xoor-xoor), ayaa madaxweynaha uga mahad-celiyey doorka uu dhalinyarada ka siiyey xukuumaddiisa, isaga oo iftiimiyey kaalinta ay ku leeyihiin waxbadka muuqda ee xukuumaddiisa, kuwaas oo uu xusay inuu ka mid yahay Maareeyaha Haamaha Shidaalka Saleebaan Siciid oo uu ku tilmaamay masuul da yar oo ka mid ah dhalinyarada firfircoon ee gobolka u soo kacday.
Maareeyaha hay'ada dhawrista tayada (Quality Control), Cali Bikalo oo munaasibadda ka hadlay, ayaa qorshaha lagu hirgeliyey Sheybaadhka tayada Shidaalka ku tilmaamay mid wax weyn ka tartaya kobcinta Tayada baddeecadaha Somaliland uga yimaadda waddamada Dibadda, isla markaana uu hordhac u noqon doono sheybaadho kale oo lagu hubiyo tayada baddeecadaha.
Cali Biikalo waxa uu madaxweynaha iyo Maareeye Saleebaan uga mahad-celiyey Hirgelinta Sheybaadhka cusub, “Waa mid aynu ku dhaafnay waddamada jaarkeena sida aynu waxwalba xagga hoose uga soo bilowno isuguna taakulayno in aynu waxaasi ka midho dhalino,” ayuu yidhi Cali Biikale
Chief Caaqil Axmed Caaqil yare oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha u soo jeediyey in masuuliyiinta xukuumaddiisa ee wax-qabadka muujiya lagu ammaano wixii uu qabtay, masuulka wax-qabadkiisu aanu muuqanna loo tilmaamo dhaliilihiisa.
Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay Wasiirrada ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim, Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Siilaanyo oo munaasibadda soo gunaanaday, ayaa maamulka Haamaha Keydka Shidaalka ku bogaadiyey wax-qabadka ay ku tallaabsadeen, waxaanu yidhi, “Waxa ii farxad ah sida qiimaha leh ee aad noo soo dhawayseen iyo waxqabadka wanaagsan ee aad ku talaabsateen, waanan idin ku hambalyeynayaa, waxaanan idin kula dardaarmayaa inaad meel uga soo wada jeesataan nabadgelyada dalka.” Sidoo kale, Md Siilaanyo waxa uu si gaar ah u hambalyeeyey Maareeyaha haamaha shidaalka Sheekh Saleebaan, isaga oo madaxweynuhu ugu danbayntiina shahaadooyin guddoonsiiyey shaqsiyaad ku guulaystay in lagu abaal mariyo waxqabadka ay muujiyeen intii hawlahani socdeen.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment