Guddoomiyaha oo ay waheliyaan xoghayaha siyaasada xisbiga Waddani, xoghaye ku xigeenka arrimaha gudaha, afhayeenka garabka dhalinyarada xisbiga Waddani, xildhibaan Xuseen Cige, Haldoor-Barkhad Jaamac Xirsi Batuun iyo xoghayaha gaarka ah ee guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Maxamed Xasan Dirir, ayaa dadweynuhu ku qaabileen suuqyadii iyo goobihii ganacsi ee ay booqdeen.Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa ugu horeyn meel maqaaxi ah kala shaaheeyey dhalinyarta iyo odeyaasha xaafada Sheekh Nuur, isaga oo sida oo kalena halkaas kaga xog waraystay baahiyaha kala duwan ee jira xaafada Sheekh Nuur, waxaana ay guddoomiyaha halkaas ugu soo bandhigeen baahiyo kala duwan oo ay sheegeen in ay ka jiraan xaafada Sheekh oo ay ka mid ahaayeen biyo la’aan, waxbarasho dugsi Iskuul-sare ah.
Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo hadal kooban u jeediyey, ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey dhammaanba dadka dega xaafada Sheekh Nuur sida qiimaha leh ee ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu carabka ku dhuftay in aanu xaafada u iman arrimo olole balse uu doonaayo sidii uu dareenkiisa iyo waxa ay ku sugan yihiin uu ula wadaagi lahaa dadka ku dhaqan xaafada Sheekh Nuur, waxaana uu sida oo kale uu sheegay in haddii Alleh idmo marka uu talada dalka ku guulaysto uu wax badan kala qaban doono baahiyaha ka jira xaafada Sheekh Nuur.
Intaa ka dib, waxaa uu guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo weftiga wahelinaayeyba ay socdaal lug ah ku soo dhex mareen suuqa weyn ee Saribada xaafada Sheekh Nuur iyada oo halkaasna ay hooyooyinkii iyo dhammaanba dadii kale ee ganacsatada ahaa ay soo dhaweeyeen guddoomiyaha iyaga oo gacmaha ka dhunkanaaya, sida oo kalena aad ugu faraxsan booqashada uu ugu yimi xaruntoodii ganacsiga.
Ugu danbeyntii, guddoomiye Ciro, ayaa boqolaal qof Salaaddii Jimcaha kula tukaday masjidka weyn ee xaafada Sheekh Nuur, isaga oo salaadii jimcaha ka dibna hadal kooban oo uu u jeediyey dadweynahii masaajidka ku soo tukaday uu duco iyo dardaaranba isagu daray dadkii ka soo qeyb galay Salaaddii Jimcaha, waxaana uu Illaahay uga beryay in uu qaranka Somaliland ka yeelo mid horumara sida oo kalena adduunyada kale ka hela Ictiraaf buuxa, isaga oo sida oo kalena ugu baaqay bulshada Somaliland ay ilaaliso wada-jirkeeda iyo ka hortagida waxyaabaha dhibaatada ku keenaya Nabada iyo xasiloonida dalka.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment