Friday, June 12, 2015

Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Arrimo La Xidhiidha Xaalada Dalka Iyo Burburkii Xisbigii UDUB

Hargeysa (Himilo)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa warbaahinta uga waramay arrimo door ah oo la xidhiidha xaalada siyaasada dalka iyo waliba burburkii xisbigii Udub ee uu hogaamiyaha ka ahaa.
Md. Daahir Rayaale Kaahin oo saxaafaddu weydiisay su’aallo kala duwan, kadib markii uu dalka ku soo laabtay shalay, waxa uu sheegay in Cali Maxamed Warancadde yahay nin aannu hankiisu gaadhsiisnayn madaxweynenimo, isagoo sidoo kale raaligelin u diray murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo ku-xigeenkiisa Cabdirashiid Xasan Mataan oo uu xusay inuu baalmaray dalab ay ku doonayeen inay murrashaxiin ka noqdaan xisbigii UDUB.
“Horta annigu xiiso uma qabo imminka in aan siyaasadda ku soo noqdo, waxaanan rabaa in aan tusaale u noqdo ninku marka uu madaxtinimo soo maro inuu ka degi karo xilka, dadka kalena uu siin karo jaanis,” ayuu yidhi Md. Rayaale oo ka jawaabay su’aal ahayd inuu mar kale dib ugu soo laabanayo siyaasadda.
Waxa kaloo raaligelin ka bixiyey inuu talada xisbigii UDUB ku wareejiyo Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo hadda ah Wasiirka Daakhiliga Somaliland oo uu ku sifeeyey shaqsi aan lahayn han madaxweyne, isagoo sidoo kale raaligelin u diray murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen.
“Waxa aan maanta kaga faa’iidaysanayaa fursadan in aan raaligelin (Apology) ka bixiyo xisbigaygii UDUB in aan u dhiibay nin aannu hankiisu gaadhsiisnayn madaxweyne oo hankiisu dhaafsanayn wasiirnimo, waana Cali Waran-cadde oo ku faanayey jeebka ayaan ku ritay xisbigii UDUB oo nimankii hankoodu ahaa madaxweynenimo oo ilaa ku-xigaynkiigii (Axmed Yuusuf Yaasin) ku jiro iyo bahweyntii UDUB iyo nimankii hankoodu ahaa madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeen ee soo dalbaday ee ahaa Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan raaligelin ayaan ka siinayaa in aan baalmaray iyaga oo ninkaas hankiisu yahay wasiirka iyo wax ka sii hooseeya aan u dhiibay xisbigii, laakiin xisbiga UDUB wuu soo noqon doonaa, waana taariikhda Somaliland ee dhinaca dimuqraadiyadda aasaaskeeda, haddii Ilaahay yidhaahna dib ayuu u soo noqon doonaa.”
Md. Rayaale oo la weydiiyey sida uu u arko muddo-kordhinta loo sameeyey madaxweyne Siilaanyo oo xilligii mucaaridka aad uga soo horjeeday muddo-kordhinta, waxaannu yidhi; “Waxay ahayd in aad horta isaga (madaxweyne Siilaanyo) weydiisaan ayey ahayd oo aad tidhaahdaan wixii aan mucaaridka ku ahayd maxaad u jeceshay maanta, taasna in isaga la weydiiyo ayey ahayd, laakiin mid ayaan idiin sheegayaa, waqtigaa ay muddo-kordhintu timi waxa jirtay sababo ay ku timi in anniga la ii kordhiyo. Waxa ugu horreeyey horta qarax ayaa lagu sameeyey madaxtooyada, markaas dadkii Hindida ahaa ee waday diiwaangelintii beenta ahayd ee la inoo sameeyey meesha way ka qaxeen. Markaasna dib-u-dhac ayaa ku yimi (doorashada) oo waxay ahayd in la qabto sannadkii 2009-kii. Komishankii Doorashooyinka ee waqtigaas joogay ee Jaamac Iswiidhan (Sweden) madaxda ka ahaa waxay ku dhawaaqeen in doorashada la galo, maadaama diiwaangelintii fashilantay, annigu waan ogolaaday, waxaana diiday xisbiyada mucaaridka ahaa oo yidhi geli mayno, shariguna wuxuu ahaa in la qabto doorashadda haddii komishanku soo jeediyey, haddana in dib loo saxo diwaangelintii ayey arrintaasi noqotay, taas ayaana haddana mar kale dib u sii riixday doorashadda ilaa sannad kale oo ay qabsoontay sannadkii 2010, iyadoo Golaha Guurtidu markaas kordhiyey muddo la isla gartay oo la isla ogolaa,” ayuu yidhi Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Waxaannu intaas ku daray; “Laakiin, tanaasulka anniga ayaa samaynayey oo waxay ahayd in doorashadda dawladaha hoose ka horaysay doorashada madaxtooyada, anniga ayaana soo hormariyey doorashadii madaxtooyada. Weli maad ka sheekayseen (saxaafadda) taas? Dawladdaha hoose ayaa horayn lahaa, laakiin aniga ayaa sameeyey tanaasul oo doorashadii madaxtooyada ka soo hormariyey. Ta labaad, qodobo aan loo baahnayn oo aan sharci ahayn ayaan xataa ogolaaday si loo galo doorasho oo aannu isqabqabsigu sii yeelan riiq badan.
Waad ogaydeen oo beesha caalamku waa kuwii ina soo farogeliyey oo gaadhay in xaata la eryo xubnihii Komishanka Doorashooyinka oo aan sharci ahayn. Cidda ogolaatayna anniga ayey ahayd, waxaanan u ogolaaday lexejeclo aan ka qabo dalka oo aan leeyahay haddii ay noqonayso in meeshan dhibaato ka dhacayso wax kastaba adigu ogolow.”
Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in aanay xilligan taagnayn duruufihii saamaxay in muddo-kordhin la sameeyo xilligii uu madaxweynaha ahaa, waxaannu yidhi; “Horta duruuftii xilligaas taagnayn ma jirto maanta oo qarax ma dhicin, diiwaangelin xumaatay ma taal. Markaa waxa aan anigu qabaa in laga heshiiyo ayey ahayd, waxayna ahayd haddii la qabanayo waqti in Komishanku leeyahay maalinta doorashooyinka la qabanayo, waana in la sharciyeeyo waqtigaas ayey Komishanku hadda qabteen (oo ah 1 June 2016) sida sharcigu yahay.”
Md. Rayaale oo la weydiiyey farriinta uu u dirayo xukuumadda iyo xisbiyada Somaliland waxa uu yidhi; “Waxa aan maqlayaa in wax lagu heshiiyey oo madaxweynuhu dhigay gogol lagu wadahadlay, waxaanan soo jeedinayaa in khilaafku ku dhammaado taas lagu heshiiye (oo ah in doorashooyinku qabsoomaan bisha December 2016)… Golaha Guurtidu anniga sharci ayey iigu kordhiyeen, sifaha ay iigu kordhinayeena waa aqaanay, waddada loo marayana waan aqaanay, waxaanan idiin sheegayaa in labada gole ee guurtida iyo wakiilladu isku raaceen saddex meelood laba meel (2/3) oo ay ansixiyeen mooshin sharci ka dhigayey in aan la qaban doorashadii baarlamaanka sannadkii 2005, laakiin go’aan ayaan ka qaatay, waxaanna ii bannaanaa in aan saxeexo oo ogolaado mooshinka ay ansixiyeen iyo in aan u gudbiyo Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland, annigoo dacwad ka keenay khaladaadka sharci ee ay ku jiraan, anniga ayaana la ii xukumay, doorashadiina sidii ay ku dhacday sannadkii 2005, markaa haddii wax la saxayo waxa bannaan jidad badan, wayna jiraan jidad sharci oo loo maro.”
“Markasta annigu dalka khayr ayaan u rajaynayaa, hana iga filina in aan u hadlo sidii ay u hadli jireen markii qoladan (KULMIYE) mucaaridka ahayd, sidoodii marna u hadli maayo… Waxa aan khalad u arkaa in Suldaan Wabar uu galo buuraha, sabab uu galana ma jirto, waxayna ahayd inuu joogo waddankiisa oo dadkiisa la joogo.”
Waxa kaloo la weydiiyey Rayaale sida uu u arko farogelinta beesha caalamku xilligan ku hayso Somaliland oo ay xukuumadda KULMIYE ka cabanayso, waxa uu ku jawaabay; “Berrigii horeba iyaga (KULMIYE) ayaa casuumay beesha caalamka, iminkana haddii ay soo farogeliyeen ha aqbalaan.”
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment