Berbera, 02 June, 2015 (Himilo)- Mareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kormeer ku tagay marsada Berbera qeybta labaad ee xiligan dhismuhu ku socdo faafaahin dheeraad ah ka siiyay siyaabaha loo kordhinayo Dekedda, qalabka loo istcmaaley iyo qorshayaasha iyo qaababka looga danleeyahay dib-u-ballaadhaninta Dekedda.

Maareeyaha oo Md Siilaanyo u sharraxayey geeddi-socodka hawsha ballaadhinta marsada Berbera, waxa uu yidhi, "Madaxweyne, markey meeshani dhammaato waxaanu ugu tala-galney inaynu kula ganacsano walaalaheena Itoobiya. Wasaarada Maaliyada meel fiican ayay noo mareysaa howshaasina in ay si dhakhso ah inooga dhammaato ayaan fileynaa. Waxaan rajeyneynaa in ay da’yartu shaqo badan ka heli doonto Ganacsigaa Itoobiya, waxaan rajeyneynaa in aynu qabano intii aynu qaban karno, howshii kale ee maalgalinta Dekedduna Gudidii aan kujirey ee Wasiirrada ahaa meel fiican ayay noo mareysaa."
Eng Cali Xoor-xoor oo faahfaahinayey farsamo ahaan sida ay u wadaan dhismaha labaad iyo nidaamka loo dhisayo muhiimadda uu leeyahay Mustaqbalka awooda Dekedda, waxa uu yidhi, "Madaxweyne, qeybtan labaad ee Dekedda dhismaheedu waa laba higtar iyo badh, waanu ku tusi doonaa dhammaadkeedu wuxuu qaadanayaa ilaa toddoba cisho oo dambe, laakiin maanta (Axaddii) waxa noo fursad ah inaad nala kulanto shaqadii oo socota oo aad aragto howshu baaxada ay leedahay. Waxaan Madaxweyne kula socodsiinayaa howshan Shaqaalaha Dekeda ayuunbaa qabta Injineeradayada, farsamoyaqaankayaga, qalabka Dekedda, kuuliga(geelayaasha) iyo shaqaale-weynaha ,iyo anagoo maamulkii ah, marka hore waxa la dhigaa 0.6 mitir (600 cm oo carro-kaawe ah) oo isku jir ah oo aad u adag oo laga soo qodo haamaha shishadooda, waala garaacaa, waala kabidaa lefelka ayaa laga qaadaa, culeyska ay qaadi karto carro-kaawadaa ayaanu tijaabinaa, dabeeto waxaanu dhignaa shub shan iyo labaatan santi mitir ah(25cm) ah oo aad u awood badan, waxey ka hadhi doontaa mustaqbalka inteeda halkan joogta iyo inta ka dambeysaba. Waxey laban-laabeysaa oo ay saddex-laabeysaa awoodda Dekedda.”
Mareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed,(Cali Xoor-xoor) waxa uu u rajeyay Dekedda Berbera in ay Mustaqbalka dhow noqon doonto halbowle Somaliland ka kaabi doona dhinacyada koboca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada.
Geba-gabadii, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa uga mahad celiyay Maamulka iyo hawlwadeenada Dekeda Berbera shaqada Dhismaha dib-u-ballaadhinta ah ee ay wakhtigan ku hawlan yihiin.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment