Muqdisho, 11 July, 2015-(Himilo)- Kooxo ka tirsan Malleeshiyada Al-Shabaab, ayaa weerarro isugu jira mid toosa iyo kuwo Qaraxyo ah ku qaaday Huteellada Siyaad iyo Heheliye oo ku yaalka Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana weerarradaas ku dhintay ugu yaraan tobon qof, halka ay illaa saddex ruux oo kale ku dhaawacmeen sida la soo weriyey, kuwaasoo saddex ka tirsani ka mid ahaayeen kooxda weerarka soo qaadday.
Weerarrada ayaa dhacay xilligii Afurka ee Salaadda Maqrib xalay, kuwaasoo Qaraxyo iyo weerarro toos ahaa oo la kala beegsaday Huteelka Wehiye oo ku yaalla Waddada Maka Al-Mukarama ee magaaada Muqdisho iyo Huteel Siyaad oo isaguna ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo wararku ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay gudaha u galeen Hoteellada.
Wasiirka Kalluumaysiga ee Soomaaliya Maxamed Cumar Ceymooy oo ka mid ahaa Saraakil ku jiray gudaha Huteelka, ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da u sheegay in Qarax weyn albaabka hotel-ka lala beegsaday, Ciidanka Amnigu ay hor istaageen in Dableydu ay gudaha u gasho Huteelka Weheliye. Wasiirka ayaa sheegay in wakhtiga weerarku dhacay ay gudaha Huteelka ku jireen Wasiirro, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Laamaha kala duwan ee dawladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidammada Booliska dawladda Soomaaliya, ayey rasaas is-weydaarsadeen kooxdaas Al-Shabaab ka tirsan oo gudaha u galay Huteelka Weheliye iyo Huteelka Siyaad. Waxaana qaybo badan oo magaalada ka tirsan laga maqlayey Rasaasta ay labada dhinac is-weydaarsanayaan illaa cawaysinkii xalay.
Waxay Ciidammada Ammaanka Soomaaliya sheegeen inay soo afjareen hawlgalkaas ay gudaha Huteelka kaga saarayeen Malleeshiyada Hubaysan ee gashay isla fiidkii xalay, hase-yeeshee, waxaa hadalkaa Ciidanka ka dib laga maqlayey gudaha Huteelka Is-rasaasayn ka socota. Iyadoo weli aan si rasmi ah loo xaqiijin karin in khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarradaasi intaas ka badan tahay iyo in kale.
Sidoo kale, Malleeshiyada Al-Shabaab ayaa weeraray oo gudaha u galay Siyaad Hoteel oo u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in Malleeshiyadu ay wali ku jiraan gudaha Huteelka, waxaana, halkaasoo ay Weriyeyaasha goobta tegay iyo dadka ka ag-dhawiba ay sheegayaan in weli dhawaaqa rasaasta ka socota gudaha labada huteel la maqlayo oo aanay dhammaannin, taasoo ay labada dhinac ee Ciidanka iyo Dablayda gudaha galay is-weydaarsanayaan.
Kooxda Al-Shabaab, ayaa sannad kasta markasta oo la galo bisha Barakaysan ee Ramadaan labanlaaba weerarrada qaraxyada iyo kuwa tooska ah ee ay ku qaadaan goobaha kala duwan ee dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed isugu yimaaddaan, ee inta badan ku yaalla magaalooyinka kala duwan ee dalka, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho, iyagoo si gaar ahna u bartilmaameedsada Masuuliyiinta kala duwan ee laamaha dawladda Federaalka Soomaaliya.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment