Saturday, July 11, 2015

Madaxda Reer Galbeedka oo ka hadlay Geerida Wasiirkii hore ee Khaarajiga Sucuudiga iyo saamayntii uu ku yeeshay Siyaasadda Caalamka.

Qaybo ka mid ah Sooyaalka Taariikheed ee Amir Saud oo ahaa wasiirkii ugu Cimriga dheeraa Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Riyaad, 11 June, 2015 (Himilo)- Dowladda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa Jimcihii shalay shaaca ka qaadday Geerida Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sucuudiga Amiir Saud Al-Faysal oo ahaa wasiirkii Arrimaha Dibadda ee ugu muddada Dheeraa Caalamka, isagoo xilkaas soo hayey muddo 40 Sanno ka hor intii aanu hawl-gabin bishii May ee sannadkan.
Sida uu shaaciyey afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Alle ha u naxariistee Emir Saud al-Faysal oo da’diisu ahayd 75-jir, ayaa Geeriyooday Khamiistii dorraad. Afhayeenka oo lagu magacaabo Osama Nugali, ayaa warkan ku shaaciyey Boggiisa Twitter-ka, balse ma sheegin sababta keentay geeridiisa. Haseyeeshee, Amir Sacuud, ayaa dhowrkii sanno ee u dambeeyey qalliinno lagaga sameeyey Dhabarka, qaliinnadaas oo ku sababay inuu u dhutiyo dhaawacyo ka soo gadhay muruqyada isku xidha dhabarka iyo Lugta.
Amir Saud Al-Faysal oo uu dhalay Boqorkii saddexaad ee soo xukumay boqortooyada Sucuudiga, Boqor Faysal Bin Cabdul-casiis oo intii u dhaxaysay 1964-kii ilaa 1975-kii soo xukumay Saudi Arabia, ayaa xilka wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas qabtay sannadkii 1975-kii kaddib markii shirqool Qudh-goyn ah lagu khaarajiyey Aabihii Boqor Faysal bin Cabdul-casiis isla sannadkaas. Balse, muddo-dheer oo uu xilkaas soo hayey, waxa uu ugu dambayntii shaqada uga fadhiistay arrimo Caafimaad bishii May ee sannadkan markii uu xilka boqortooyada qabtay Salman Bin Cabdulcasiis, waxaana xilka kala wareegay Adel al-Jubeir oo ahaa Safiirkii hore ee Sucuudiga u fadhi jiray Caasimadda Maraykanka ee Washington.
Madaxda Caalamka Geeriyoda Emir Saud al-Faysal
Emir Saud Al-Faysal oo lagu tiriyo siyaasiyiinta fara-ku-tiriska ah ee soo mara isla markaana ugu muddada dheeraa xilka Wasaaradaha Arrimaha dibadda ee dalalka Caalamka, waxa shakhsiyaaddiisa hoggaamineed iyo tayadii siyaasiyadeed ee saamaynta ku yeelatay arrimaha mandaqadda gobolka ka hadlay Madaxweynaha dalka Maraykanka, Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda iyo Siyaasiyiin kale.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa ammaanay siyaasaddii hoggaamineed ee Saud Al-Faysal. “Wuxuu ahaa Dibloomaasi daacadnimo iyo Garaad-badni isku darsaday. Labadaas arrimoodba wuxuu kaga midho-dhaliyey guulo xagga nabadda ah, haddii ay ahaan lahayd dhex-dhexaadintii uu ka galay dagaaladii sokeeye ee Lubnan ama inuu noqday ninkii bilaabay Qorshaha Nabadda ee Carabta,” waxa uu Mr Obama sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu kaga hadlay Geerida ku timi Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Sucuudiga.
Raysalwasaaraha dalka Ingiriiska, David Cameroon, ayaa isagu tacsi u diray waddanka Boqortooyada Sucuudigu, waxaanu marxuumka ku tilmaamay macalin ay hoggaamintiisu wax bartay siyaasiyiinta reer Galbeedka oo isagu ka mid yahay. “Waan ka murugooday inaan maqlo geeriyioday Amiir Saud Al-Faysal. In badan, oo aan ku jiro, ayaa ka faai’dday murtidiisa weynayd iyo waayo-aragnimadii Arrimaha Caalamiga ee uu ka kasbaday xilka uu wakhtiga dheer u soo hoyay boqortooyada. Waxaan ka tacsiyaydanaysaa Qoyska boqortooyada Sucuudiga iyo shacabka Sucuudiga xaaladda qallafsan ee ku soo beegantay,” ayuu yidhi raysalwasaare Cameroon.
Sidoo kale, waxa shakhsiyaddii marxuumka ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka John Kerry oo ku tilmaamay inuu ka mid ahaa dibloomaasiyiinta ugu Garashada iyo Garaadka sareeya Caalamka.
Sooyaalkiisii Hoggaamineed
Marxuum Saud Al-Faysal oo hore u soo qabtay xilka Wasiir ku-xigeenka Shidaalka ee Sucuudiga Xilligii uu Aabihii Boqorka ahaa, waxa uu lagu tiriyaa inuu ahaa hoggaamiye Qayb laxaad leh ka qaatay inuu meel sare gaadhsiiyo siyaasadda khaarajiga ee Boqortooyada, isagoo isla markiiba xidhiidho la sameeyey dalka Maraykanka. Sidoo kale, waxa lagu tiriyaa inuu qayb ka ahaa isal markaana uu aabihii ku qanciyey inuu dalka Sucuudiga Saldhig Milatari ku yeesheen Ciidamo Maraykan ah, kaddib markii ay ka cabsadeen in madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saddaam Xuseen uu Duullaan Milatari ku qabsado Boqortooyada.
Emir Saud Al-Faysal oo falan-qeeyayaasha siyaasadda Bariga Dhexe ku tilmaamaan inuu ahaa Shakhsi dibloomasiyaddiisu qancisay waddamada gobolka, waxa uu goob joog u soo noqday qalalaase siyaasadeed oo Bariga Dhexe soo food-saaray muddada Nus-qarniga ku dhow ee uu xilka hayey, isagoo si weyn uga qayb-qaatay dhex-dhexaadinta dagaalladii sokeeyey ee dalka Lubnaan ka dhacayey sannadkihii 70naadkii iyo 80naadkii, isagoo ka qayb-qaatay dedaallo lagu hirgelinayey wada-xaajoodyo nabadeed oo dhexmaray Carabta iyo Israa’iil, waxa kale oo uu goob-joog u ahaa Duullaankii Ciraaq ku qaadday Kuweyt iyo dagaalkii Gacanka ee ka dhashay duullaankaas 1991-kii, Weerarradii Argagixiso ee Maraykanka lagu qaaday sannadkii 2001-kii, Duullaankii Maraykanku awoodda milatari ugu adeegsaday kuna burburay dalka Ciraaq sannadkii 2003-kii ilaa wakhtiganna xiisaddiisu taagan tahay, Kacdoonkii Shacabka dalalka Carabta ee 2011kii, dagaallada sokeeye ee Suuriya iyo soo-shaac-baxa Dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya (Daacish).
Waxa kale oo lagu tiriyaa inuu dejiyey weerarka xulafada Sucuudigu hoggaaminayo ay ku qaadeen Kooxda Xuutiyiiinta ah ee la wareegay awoodda maamul ee dalka Yemen.
Geerida Emir Saud Al-Faysal, ayaa lagu tilmaamay inay soo af-jartay cahdi dibloomasiyadeed ee Boqortooyada Sucuudiga, iyadoo taas lagu fasiray in isaga iyo Aabihii Boqor Faysal dhidibbada u taageen siyaasad fur-furan oo ay ku maamuleen Boqortooyada Sucuudiga oo ah Xarunta Diinta Islaamka, taas oo sababtay inay ku mucaaradaan urur-diimeedyo ka hawl-gala dalkaas, waxaanay ugu dambayntii sababtay in shirqool lagu khaarajiyo Boqorkii Sucuudiga ee xilkaas talada hayay Boqor Faysal Bin Cabdulcasiis.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment