Hargeysa, 11 July, 2015 (Himilo)- Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ay weheliyeen Xubno Madax-dhaqameed ah, ayaa ku guulaystay inay dawladda Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ka soo daayaan Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamaddiid oo Xabsiga magaalada Boosaaso muddo ugu xidhnaa kiis la xidhiidha eedaymo lagu sheegay inuu Kooxda Al-Shabaab u socday wakhtiga la qabtay, waxaana Jimcihii shalay si diirran loogu soo dhaweeyey Madaarka Cigaal ee Caasimadda Hargeysa.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Xubnaha la socday iyo Abwaanka ay Xabsiga ka soo daayeen, dadweyne kala duwan oo isugu jiray Hal-abuurro, Odayaal dhaqan, Ehelada Abwaanka iyo dadweyne kale, ayaa si diirran ugu qaabbilay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo ay ka soo degeen Shalay markii ay isla shalay subax diyaarad ka soo raaceen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Maamulka Puntland.
Waxa ay Suldaan Maxamed iyo Xubnaha la socday ka warrameen qaabka loogu soo dhaweeyey magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland oo ay sheegeen in si qiimo sare leh loogu qaabbilay oo ay aad ugu mahad-celinayaan Madaxda Dhaqanka iyo Maamulka Puntland-ba. “Raggii halkaas nagala hawlgalay oo dhan aad baan ugu mahad-naqayaa. Boqor Burhaan iyo Salaaddiinta kale mana kala qaad qaadi karo oo Ragga ila hawlgalay waa badan yihiine Madax-dhaqameedka reer Puntland horta waan u mahad-naqayaa. Si fiican baa meeshaa naloogu soo dhaweeyey, waxaan leeyahay dadka waar halla isu socdo.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed.
Suldaan Maxamed iyo Xubno Madaxdhaqameedka Somaliland ah oo wehelinayay, ayaa bulshada Somaliland u sheegay inay degaannada Puntland ku soo arkeen dad aan ka xumayn ama colaad u hayn bulshada Somaliland, waxaanay ammaan u jeediyeen waxay kala kulmeen Madaxda Dhaqanka ee arrinta sooddaynta Abwaanka kala hawlgalay.
Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamaddiid, ayaa isaguna halkaas ka akhriyey Gabay uu ku ammaanayo Qabiilka haya Hoggaaminta Maamul-goboleedka Puntland ee Majeerteen, isla markaana ku tilmaamayo inay yihiin dad gobannimo, marti-gelin, Ragannimo, Hadal-aqoon, Hal-karnimo, Halyeynimo, Qaninnimo, Cuud iyo Caddiyad-ba Allaah Hibo u siiyey, isagoo ku tilmaamay Gabaygan inay Ragga Guur-doonka ah ee Soomaaliyeed ka guursadaan Majeerteen oo uu isaguna rabo inu ka guursado sida uu Tuducyada qaar ku qeexay.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment