Soonka Ninka Ramadaan isagoo sooman Xaaskiisa u galmooda
Haddii ay dhacdo in Nin Ramadaan soomani Xaaskiisa u galmoodo, waxa ku waajibaya kafaaro gud noqonaya inuu Addoon xorreeyo, haddii uu waayo ama awoodi kari waayo, waxa laga doonayaa inuu soomo laba Billood oo Xidhiidh ah oo aan Maalin keli ahi u dhaxayn, hadduu cudur daar la’aan Maalin u afuro wuu soo bilaabayaa, haddii uu awoodi kari waayo wuxuu cunto siinayaa Lixdan Miskiin. Xaaska wax kafaaro gud ah ma lagu leeyahay, waa masalo khilaaf ka taagan yahay Cullimada dhexdeeda, waxa Jamhuurtu qabaan (Xanafiyada Shaaficiyada, Xanaabilada) in aan Gabadha Galmada lagu qasbay Maalinta Ramadaan iyadoo sooman wax kafaaro gud ah lagu lahayn halka Maalikiyadu ka qabaan in Kafaaro gud lagu leeyahay, waxay u eg tahay in aan Gabadha wax kafaaro ah lagu lahayn, maadaama la qasbay, inta badan weerarku dhinaca Ragga ayuu ka yimaadaa, waxa kale oo muuqata in aan Nebigu SCW Ninkii Xaaskiisa Maalinta Ramadaan u tegey aanu waydiin Gabadhii iyo inay wax Kafaaro ah bixiso, waxay yidhaahdeen, ma bannaana in waqtiga loo baahan yahay dib looga dhigo Masalada cadaynteeda.
Soonka Mutcada Xajka & Qiraanka
Xaajigu haddii uu niyoodo mutco (inuu marka hore cumraysto, kadib Maalinta Sideedaad Xaj xidhto), ama Qiraan (Inuu is dhex geliyo Camalka Xajka & Cumrada) waxa laga doonayaa inuu Neef Hadyi ah gawraco, haddii uu waayo Neefka waxa laga doonayaa inuu Toban Cisho soomo, Saddex ka mid ah Tobanka wuxuu ku soomayaa Xaramka, Toddobada soo hadhay wuxuu soomayaa markuu reerkiisii u laabto, Xukunkaasi wuxuu gaar ku yahay Qofka aan xaramka deganayn.
Soonka Dilka Ugaadha Xaramka (Makka & Madiina)
Ugaadha Xaramku (Makka & Madiina) waxa Shareecadu siisay Ammaan waqti kasta lama dilli karo, lamana ugaadhsan karo, Sidaa oo kale ayaa Qofka Xaajiga ah inta uu Xajka xidhan yahay loo diidey inuu Ugaadh dilo meel kasta ha joogtee, haddaba haddii ay dhacdo in Qofku ugaadh dilo, waxa laga doonayaa inuu Neef u dhigma ugaadha bixiyo, oo Xaramka Hadyi uga dhigo, haddaba wuxuu ikhtiyaar u leeyahay inuu Neef bixiyo, Inuu Masaakiin quudiyo iyo inuu soomo, Soonku wuxuu noqonayaa mid u dhigma ugaadhii uu diley, tusaale haddii uu Deero diley wuxuu qiimaynayaa Neef adhi ah wuxuu u bedelayaa Raashin (mudd: 600 gr) inta uu Raashin ka gooyo qiimaha Neefku, halka mudd waxa cuni kara hal miskiin, halkii Miskiinba Maalin Soonkeed ayuu u dhigmaa.
Soonka kafaaro gudka ka dhaarashada Xaaska
Haddii Ninku Xaaskiisa ka dhaarto in aanu u galmoon waxa Sharcigu ku xaddidayaa inuu arrintaa kaga soo laabto Afar billood, marka Afarta Billood dhamaadaan waxa laga doonayaa inuu dhaartii ka noqdo, ama inuu furo labadaa waxba ugama dhaxayn karaan, waayo in Gabadha Muslimada ah la dhibo lama ogola, haddaba haddii uu inta Afartii billood aanay dhamaan uu ka soo noqdo dhaartii, wuxuu la imanayaa kafaaro gud ah inuu Toban Miskiin quudiyo ama Arrad tir siiyo, haddii uu awoodi waayo wuxuu soomayaa Saddex Cisho oo xidhiidh ah.
Soonka Kafaaro gudka Dhaarta
Qofka Muslimka ah waxa laga doonayaa inuu dhaartiisa illaaliyo oo aanu Magaca Illaahay ka dhigan wax uu ku dhug barto oo kale, magaca Illaahay Ixtiraam buu mudan yahay, haddaba haddii Qofku dhaarto, oo waxuun ku dhaarto, waxa uu ku dhaartay waa khayr inuu falo ama waa wax shar ah ama dhib iwm ah, wixii aan khayr ku jirin waa inuu ka soo laabto, oo dhaartiisii jebiyo, maadaama aan khayr ka dhalanayn, waayo Nebigu SCW wuxu Xadiis ku yidhi: " Kii ku Nadra inuu Illaahay adeeco ha adeeco kii ku Nadra inuu caasiyona yuu caasiyin".
Haddaba haddii uu dhaartii aan khayrku ku jirin ka soo laabto oo jebiyo, wuxuu la imanayaa kafaaro gud ah inuu Toban Miskiin quudiyo ama Arrad tir siiyo, haddii uu awoodi waayo wuxuu soomayaa Saddex Cisho oo xidhiidh ah. Inuu Soon ku nadro Haddii Qofka Muslimka ahi uu ku nadro inuu Illaahay u soomo waa inuu oofiyaa, wuxuu ku noqonayaa waajib.
Soonka Xiirashada iyadoo aanu ka xalaaloobin xajka
Waa Qofkii oo xiirta isagoo xajkii aan dhamaysan, cudur daar ku yimi awgiis sida isagoo madax injiri ka gasho ama xannuun helo, waxa Qofkan marka hore lagu leeyahay inuu Neef gawraco, laakiin haddii uu waayo ama awoodi kari waayo wuxuu soomayaa Saddex cisho.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment