Sida ay sheegtay haweenayda madax ka ah wasaaradda Caafimaadka ee Ingiriiska oo lagu magacaabo Dame Sally Davies, ayaa sheegtay inay bilaha soo socda filayaan kiisas badan oo cudurka Ebolaha ah.Haweenaydan oo difaacaysay dhaliilo loogu jeediyey dawladda UK in baadhitaannada lagu hubinayo cudurka Ebolaha ee laga wado madaarrada dalkaasi inay yihiin arrimo siyaasadeed, ka dib markii ay la helay farriimo E-maillada ay isugu direen dhakhaatiirta dalkaas oo sheegayey in baadhitaannadu yihiin arrimo siyaasadeed, waxa ay sheegtay in baadhitaannadani badbaadinayaan nolosha dadka u dhashay UK.
Dalka UK ayaa dhowaan bilaabay inay dadka madaarrada ka soo dega laga baadho astaamaha cudurka Ebola, ka dib markii dalka Maraykanka oo qof ka tagay qaarada Yurub ugu dhintay cudurkaas si xooggan looga bilaabay baadhitanno dadka lagu samaynayo.
Cudurka Ebola oo horaantii sannadkan ka dillaacay waddamada Galbeedka Afrika, ayaa ilaa wakhtigan galaaftay nolosha in ka badan 4,000 oo qof, sida ay sheegtay qaramada Midoobay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment