Sunday, October 12, 2014

Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay Inay U Safraan Dalal ay Somalia Ku Jirto

Washington:Oct,12,2014(Himilo)-Dawladda Maraykanka ayaa, ayaa, ayaa Mumaadiniiinteeda uga digtay inay u safraan tiro dalal ah oo U Bariga Afrika.

gureoWarkan ayaa waxa soo saartay waaxda Arrimaha Dibadda ugu qaabilsan Maraykanka, waxana waddamadaas lagu soo daray Dalka somalia.

Digniintan ayaa ka dambeysay markii Mareykanka uu bilaabay duqeymo ka dhan ah dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya, waxaana warbixintan lagu sheegay inay suura gal tahay in duqeymahaas looga aar-guto muwaadiniintiisa.

“Warbixinada hada la helayy waxaa ay muujinayaan in kooxda ISIS ay qorsheynayaan weeraro lala eegto muwaadiniinta Mareykanka iyo danahooda, sidaa darteed muwaadiniinta mareykanku waa in ay taxadar muujinayaan”ayaa lagu yidhi war ka soo baxay waaxda arrimaha dibada Mareykanka.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in Kooxaha islaamiyiinta ee fadhigoodu yahay waqooyiga, Galbeedka iyo Geeska Afrika ee kala ah AQIM, Boko Haram iyo Al-Shabaabka Soomaaliya ay suura gal tahay inay weeraro lagu waxyeeleynayo ku qaadaan muwaadiniinta Mareykanka ah.

Wadamada kala ah Mali, Senegal, Niger, Chad, Sudan, Somalia, Kenya, Nigeria, Djibouti iyo Eritrea ayuu mareykanku uga digay muwaadiniintiisa in ay u socdaalaan, maadaama khatar ay ka soo muuqato.

Ma aha markii u horeysay oo uu Mareykanka ka soo saaro digniin la xidhiidha arrimaha argagixisada, digniintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo kooxda ISIS ay qoorta ka goysay laba wariye u dhashay Mareykanka, taasoo jawaab u ah duqeymaha ay ka wado Ciraaq iyo Suuriya.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment