Guddoomiyaha oo Maanta Saxaafadda u warramayey, ayaa sidoo kale meesha ka saaray jiritaanka shirar uu madaxweynuhu kaga tanaasulay musharraxnimadiisa oo uu la yeeshay Hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye.“Ma jiro shir aan joogay oo aan Ogahay oo uu madaxweynuhu yidhi Musharraxnimadii waan ka noqday haba yaraatee ma jiro, goob aan joogay oo arrintaas lagu qaadayna ma jiraan, waana warar aan jirin.” Ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiye Muuse waxa uu sheegay inay soo dhaynayaan Komishanka doorashoyinka qaranka oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo dhawaan u gudbiyey Golaha Wakiillada, isagoo sheegay inay kalsooni buuxda ka qabaan xubnahaas, isla-markaana loo maray jidkii sharciga ahaa,
“Xubnahaas sharcigaa qaybiyey sida loosoo magacaabo, saddex madaxweynahaa keena labana guurtida, laba kalena waxa keena Mucaaridka, waana dad mudakar ah oo hawshooda qaban kara, waana ku kalsoonahay.” Ayuu yidhi Muuse Biixi.
Waxa uu Muuse Biixi sheegay inaanay doorashada Madaxtinimada Somaliland aanay dib u dhici doonin isla-markaana xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisa oo isku duubani ay diyaariyeen dhamaan waxyaabihii ay doorashadu u baahnayd, waxana uu yidhi,
“Doorashada dibu dhaceeda iyo xilliga la qabanayaba cid buu sharcigu siiyey waana komishanka annaguna farogelinmayno, laakiin xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddiisa haddaanu nahay waxanu caddaynaynaa wixii hawlo ahaa eek u xidhnaa inaanu dhamaynay mar horeba.”
Himilo Media
No comments:
Post a Comment