La taliyaha Mareykanka ee dhinaca amaanka Susan Rice ayaa sheegtay in labada dhinac ay heshiis ka gaadheen arrintaas isla markaana wixii hadda ka dambeeya Mareykanka uu adeegsan doono fadhiisimaha milateri ee ku yaalla Turkiga.Waxay intaas ku dartay in Mareykanka uu sidoo kale fadhiisimahas ku tabbabari doono dagaalyahano qunyar socod ah oo reer Syria si ay ula dagaalamaan kooxda Daacish.
Turkiga ayaa dhowaan si rasmi ah u aqbalay in uu ku biiro duqeymaha lagu qaadayo kooxda Daacish oo kusii xoogeysanaysa wadamada Ciraaq iyo Suuriya.
Maalmihii lasoo dhaafay xuduuda Turkiga iyo Syria waxaa ka socday dagaal xoogan oo ay soo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan daacish kuwaas oo qabsaday meelo muhiim ah.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment