Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubnaha la socda ayaa la filayaa in kulamo kala duwan la qaataan Masuuliyiinta iyo saraakiisha katirsan Dowlada iyo AMISOM ee kusugan Magaaladaasi , waxa ay sidoo kale kulamo la qaadan doonaan waxgaradka iyo qeybaha kala duwan Bulshada Baraawe.Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in Duqeyn la beegsadeen diyaaradii waday Madaxweynaha Soomaaliya ee maanta ka dagtay Baraawe , waxaana Warbaahinta Al-Shabaab oo soo xiganeysa Sargaal katirsan kooxdaasi ay baahiyeen in Madaxweynaha uu ka bad baaday isku day dil oo ay u qorsheeyeen.
Al-Shabaab waxa ay sheegeen in Qoriga lidka Diyaaradaha lagu weeraray Diyaaradii waday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maamuud , waxaana duqeynta kadib Ciidamada AMISOM iyagana Ku Jawaabeen garaaceen madaafiic xoogan.
Xaalada Magaalada Baraawe ayaa hada ah mid dagan , mana jiro Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Dowlada oo ka hadlay Warka Shabaab baahiyeen ee ku aadan in Madaxweynaha Diyaaradii waday ay duqeeyeen.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment